18th April 2024  admin  Category :

Mareykanka oo xayiraad dhaqaale iyo mid militari saaraya Ethiopia

Dowladda Mareykanka ayaa Axaddii shalay aheyd ku dhawaaqday in ay cunaqabateyn isugu jirta mid dhaqaale iyo mid millatariba saareyso Ethiopia, sababo la xiriira gabood-fallo ka dhan ah aadanaha oo ka dhacay gobolka ay colaaduhu ka jiraan ee Tigray.

War kasoo baxday waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa lagu sheegay in sidoo kale uu Mareykanka xiyiraad dhanka socdaalka ah kusoo rogi doonto saraakiil hore ama kuwo hadda shaqeeya oo ka tirsan dowladaha Itoobiya iyo Eritrea.
Saraakiishaasi oo magacyadooda aan la shaacin ayuu Mareykanku sheegay in ay mas’uul ka yihiin qalelaasaha ka dhacay gobolka Tigray ee Waqooyiga Itoobiya.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken ayaa sheegay in tallaabadani ay dowladda Mareykanka u qaadeyso si loo soo dadajiyo xalka colaadda ka taagan Itoobiya. Wuxuu intaas raaciyay in la joogo waqtigii ay bulshada caalamku tallaabo qaadi laheyd.

Kumannaan qof ayaa la sheegay in lagu dilay dagaalka sokeeye ee gobolka Tigray ee Itoobiya, boqolaal kun oo kalana waxaa lagu qasbay in ay guryahdooda ka barakacaan, laga soo billaabo bishi November ee sanadkii hore markaas oo uu dagaalku billowday.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*