28th March 2024  admin  Category :

Dawladda Soomaaliya ayaa ku wargalisay hay’adaha mashaariicda ka fuliya Soomaaliya in ay xafiisyadooda u soo raraan dalka, ka hor bilowga sanadka 2019-ka

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, maalgashiga  iyo horumarinta dhaqaalaha  XFS Mudane Jamaal Maxamed Xasan oo daah furay shrikaan, ayaa sheegay in loo baahan yahay siddii hay’addaha caalamiga ah ay ula shaqeyn lahaayeen dawladda Soomaaliya, iyaggoo ku shaqeynayo gudaha dalka.

“Sababta aan ula shirnay waxay tahay in aan uu sheegno in dawladda Soomaaliya ay rabto hay’adaha caalmiga ee mashaaricada ka shaqeeyo inay Soomaaliya joogaan, inay qortaan shaqaale Soomaaliyeed, canshuurtana ay bixiyaan” ayuu yiri Wasiirka Qorsheynta XFS.

Wasiirka,  ayaa xusay in aysan la shaqeyn doonin hay’adaha  xarumahooda aan aheyn gudaha dalka, ayna kala noqonayaan Ruqsada, isaggoo  faray dhammaan hay’adaha caalamiga ah in sanadka cusub ay dhaqan galiyaan awaamirta la faray.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*