26th December 2024 admin Category :
Dawladda Soomaaliya ayaa ku wargalisay hay’adaha mashaariicda ka fuliya Soomaaliya in ay xafiisyadooda u soo raraan dalka, ka hor bilowga sanadka 2019-ka
Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha XFS Mudane Jamaal Maxamed Xasan oo daah furay shrikaan, ayaa sheegay in loo baahan yahay siddii hay’addaha caalamiga ah ay ula shaqeyn lahaayeen dawladda Soomaaliya, iyaggoo ku shaqeynayo gudaha dalka.
“Sababta aan ula shirnay waxay tahay in aan uu sheegno in dawladda Soomaaliya ay rabto hay’adaha caalmiga ee mashaaricada ka shaqeeyo inay Soomaaliya joogaan, inay qortaan shaqaale Soomaaliyeed, canshuurtana ay bixiyaan” ayuu yiri Wasiirka Qorsheynta XFS.
Wasiirka, ayaa xusay in aysan la shaqeyn doonin hay’adaha xarumahooda aan aheyn gudaha dalka, ayna kala noqonayaan Ruqsada, isaggoo faray dhammaan hay’adaha caalamiga ah in sanadka cusub ay dhaqan galiyaan awaamirta la faray.