28th September 2022  admin  Category :

adaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda Hay’adda World Bank, oo ay hoggaaminayso Madaxa arrimaha Biyaha ee Koonfurta iyo Bariga Africa Marwo Catherine Signe Tovey.

Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta wadashaqeynta, guud ahaan Mashaariicda kala duwan ee World Bank ka wado Puntland iyo gaar ahaan Mashruuca Biyoole oo uu bilowmayo wejigiisa labaad. Waxaa Ka qeybgalay Kulanka xubno ka mid ah Golaha Wasiirada, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Puntland, La-taliyeyaal Madaxweyne iyo Madaxda World Bank heer Puntland iyo heer Soomaaliya.

May be an image of 4 people, people sitting and indoor
May be an image of 7 people, people sitting, people standing and indoor

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*