28th September 2022  admin  Category :

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 51 ee 14-ka Sibteembar 2022, kuna saabsan magacaabid La-taliyeyaasha Madaxweynaha ee Arrimaha Difaaca iyo Dhismaha Ciidanka. Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Aqoontooda iyo waayo-aragnimadooda ciidanaimo.Markuu arkay: Baahida loo qabo dhismaha iyo horumarinta Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland.

Wuxuu xeeriyey:Waxaa Saraakiisha hoos ku xusan loo magacaabay La-taliyayaasha Difaaca iyo Dhismaha Ciidanka Puntland ee Xafiiska Madaxweynaha Dowladda Puntland.

1. S/gaas. Maxamed Siciid Xirsi (Moorgan)

2. S/gaas. Yasiin Cumar Dheere

3. S/gaas. Cabdishugri Cabdulaahi Xuseen4.

S/guuto.Siciid Cabdi Faarax (Tuutawayne)5.

S/guuto. Dayr Xaaji Cabdi

Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*