28th March 2024  admin  Category :

Nin ayaa waa jirijiray, ninka ayaa waxa uu lacag deeyn ah ka qaatay nin miskiin ah oo dukaan yar meel ku heeystay. Waqti dheer kadib, ninkiii lagu lahaa lacagta ayaa aaday Xajka si uu u soo xajiyo. Markii uu ka soo laabtay xajkii, ayuu u yimid ninkaa dukaanka heestay ee lacagta ku lahaa. Ninkii dukaanka lahaa ayaa farxay markii uu arkay ninkii oo soo socda oo waxa uu is yiri ninkii aad lacagta ku laheed maanta lacagtii ayuu kuu keenayaa.

Hase ahaatee, ninkii lacagta lagu lahaa ayaa ka codsaday ninkii lacagta ku lahaa in uu soo saaro buugii uu ku qornaa magaciisa, waxa uuna u sheegay sababta uu ugu yimid ineey tahay maadaama uu soo xajiyey in magaciisa uu ugga hormariyo Xaaji Khan. Hadaba, xajka shuruudihiisa ayaa waxaa ka mid ah in qofka xajinaya marka ugu horreeysaba aan lagu laheen wax deeyn ah.

Hadaba, Ca/raxmaan Cabdishakuur oo ah shaqsigii saxiixay iibka Badda Soomaaliya ayaa maanta waxa uu dadkii leeyahay magaceega halla iiga hormariyo Wadani Ca/raxmaan, isaga oo danbiga ummadda uu ka gallay uu welli qoyanyahay. Ca/raxmaan haddii uu xishoonayo maanta ma soo hor istaageen ummadda Soomaaliyeed, isaga oo ciyaaraya kaarka qabiilka.

Allsanaag.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*