26th April 2024  admin  Category :

Faysal Cali Waraabe ayaa aflagaadeeyay Boqor Burhaan, isaga oo ku eedeeyay in uu waddo Daarood isku keenid iyo qabyaalad. Hase ahaatee, Boqor Burhaan  ayaa kaga qeeyb gallay gobolka Sool hawlo ku saabsan heshiisiin beelo wallaalo ah oo ku dagaalamay deegaanadaas.

Faysal ayaa hadda ka hor sidan oo kalle uggu eedeeyay Cabdiweli Gaas inuu waddo Daaroodnimo mar uu booqanayey Jigjiga. Waxaa cajiib ah goorta ay noqotay denbi Daarood meel ku kulma ama isku yimaada.

Sidoo kalle, Faysal ayaa u arka in haddii Daarood ay miis wax ku wada cunnaan ay tahay mid keeneeysa daggaal sokeeye taas oo ah mid aan waxba ka jirin.

Maanta haddii Habar Jeclo, Habar Yoonis, iyo Habar Awal ay miis wax ku wada cunnaan, qof Daarood ah oo dhib u arkayaa ma jirto ama ka hadlaya arrimaha beesha Isaaq.

Teeda kalle, marar badan ayaad arkeeysaa Faysal oo kalla jaraya Majeerteen iyo Daarood intiisa kalle, isaga oo rabbaa in dadka uu u tussiyo in Majeerteen ay dadka kalle ku yihiin dhibaato iyo ballaayo. Majeerteen duullaan kuma ahan cid kalle dhulkooda, laakiin Faysal Cali Waraabe iyo reerkiisa waxeey duullaan ku yihiin Sool iyo Sanaag. Marka yaa ummadda dhib ku ah ma Habraha, misse Majeeerteen? Yaa Soomaali kalla jaraya ma Majeerteen, mise Habraha?

Allsanaag.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*