18th April 2024  admin  Category :

Waa maxay Sababta Siyaasiyiinta Daarood ay uga aamusan yihiin Mooshinada Soomaaliya ka socda oo Hargaysa iyo Muqdisho hadda isu jiibinyaan .

Maalmahan Warbaahinta Soomaalida waxa ka hadlayey siyaasiyiinta beelaha Isaaq, Raxanweyn iyo Hawiye oo qaarkood ay  u ololeenayaan, qaarkoodna diidan yihiin Mooshino iska soo horjeeda oo ka socda magaalada Muqdisho.

Iyada oo ay  taasi jirto ayaa ilaa hadda waxaan ka hadlin warbaahinta oo aan cadayn mowqifkooda siyaasiyiinta beelaha Daarood iyo Hogaamiyaasha maamulada Jubbaland iyo Puntland.

Soomaalida oo dhexdoodu uu  ka dhacay dagaal sokeeye oo aan weli ka heshiin oo qabyaaladdu ku weyn tahay dhexdooda  ayaa xitaa Mahad salaad iyo Faysal Cali Waraabe  oo  hadda isugu  jiibinaya sidii Caydiid iyo Siilaanyo ay isugu jiibinayeen  1991 ayaa siyaasiyiinta beeshaasi weli ka aamusan yihiin waxa ka socda caasimadda Soomaaliya iyo Villa Wardhiigleey

Hadaba waa maxay sababta ay Siyaasiyiinta Beeshaasi ay u aamusan yihiin?

Madaxweyne Farmaajo taageerayaashiisa siyaasadeed iyo la taliyashiisuba waa dad ku caan baxay nacayb beeleed iyo Cuqdad, qaarkood waa kuwii ku sheegay in Daaroodku Soomaaliya Ka yihiin Kurdistaan, qaarkood waxay ka qayb qaateen xasuuqii 1991, qaarkood waa federaal diid oo waxay ku caan baxeen inay dagaal joogto ah ku hayaan maamulada Jubbaland iyo Puntland. Inta dadka noocaas ah ay ku xeeran yihiin ama uu talo ku qaadanayo madaxweyne Farmaajo  waa adag tahay in siyaasi ka soo jeeda Beesha Daarood uu ku dhiirado taageeridda madaxweyne Farmaajo.

Ugu danbayntii madaweyne Farmaajo waa hogaamiyaha dalka loo doortay inuu hogamiyo  afarta san ee socota, waan   mudan yahay in la taageero, waa haddii uu isaguna wax ka  bedelo habka hogaamintiisa oo uu  kala garto ninka doonaya inuu guulaysto iyo midka doonaya inuu ku awrkacsado. Waxaaase  hubaal ah in beesha Daarood qof, koox iyo beel toona ayna ka rari karin Soomaaliya hase ahaatee loo baahan yahay taageeradooda. Kooxda AY  Cali yare iyo Fahad Yaasiin hogaaminayaana ayna meelna gaarsiin karin. Waxaana iman doonta maalin uu ka slayan doono dagaalka uu doonayn ee degaanada iyo bulshada Daarood ee uu isagu u baahan yahay

https://allsanaag.com/farmaajo-iyo-mashxaradda-damulkadiid/

ALLSANAAG.COM khaalid1970@hotmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*