26th July 2024  admin  Category :

Mahad Cawad, Muudeey , Amin Caamir iyo Fahad yaasiin Soomaaliya madaxweyne kama aha ee goormuu madaxweynha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo Soomaalida la hadli doonaa oo u sheegi doonaa xaalka uu dalku ku sugan yahay.

Maanta oo kale, waa maalinta la ogaado hogaanka daacadda ah, kartida leh oo qaata go’aan adag oo bulshada inteeda badani ayna markaas u dhadhamayn, hase ahaatee marka danbe ay  u riyaaqaan go’aankii uu qaatay hogaamiyagooda ama ay taariikhda xustaa  marka danbe go’aanka uu maalintaas qaatay

Sidoo kale waxa jira Hogaamiye Dacawo ah oo markuu xilka hayo u dhaqma inuu yahay libaax oo dagaal iyo aflagaado ku qaada cid kasta oo u arko inay  mucaarad ku yihiin , mararka qaarkood isaga oo adeegsanaya ciidanka qarankaas ayuu wuxuu sameeyaa Xarig iyo dil. Hogaamiyaha noocan ah waxa lagu gartaa inuu fashil yahay Haweenka iyo caruurta ayuu aad  u isticmaalaa kicitooda. Wuxuu jecel yahay oo kale in loo heeso ama la amaano

Ugu danbayntii Mahad Cawad oo marka uu xildhibaan raadinato hadba maamul goboleed iyo beel sheegta iyo Fahad Yaasiin oo urur diimeed ku gabanaya oo Soomaaliya Xaafad ku lahayn uma turayaan Qaranka Soomaaliya ee madaxweyne Farmaajo ayaa laga sugayaa waxa ku kalifay talaabooyinka uu qaadayo oo midba middii ka horaysay ka xun tahay

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*