26th July 2024  admin  Category :

Maxaa keenay in Labaatan Murashax oo hal beel ka soo wada jeedaa ay madaxweynaha Puntland u wada ordaan? Maxaa keentay niman aan Ceesaan jaban lagu aaminin karin  sida  Gaadaale iyo Galan , Faroole iyo Deni inay u ordaan hogaanka  Puntland, halka hal doorka   beelaha kale ee  Puntland ayna hawaysan kursigaas

 

all-white Republican

Xisbiga Jamhuuriga ee reer Bush iyo Donald Trump ka tirsan yihiin ee boqolkiiba sagaashan ay yihiin Dadka midabka   Cad cad  ayaa doorashadii dhowayd  ee bishii November ka dhacday dalka Maraykanka waxay indhaha ku kala qaadeen markii Xisbigii la tartamayey ay ka soo baxeen markii  ugu horaysay, dadklii loogu yimid dalka Maraykanka oo  ay ka mid noqdeen baarlamaanka Maraykanka, Dumar Muslimiin ah ay ka mid noqdeen Baarlamaanka Maraykanka, tiro aad u badan oo dadka Madow ee Maraykanka ay ka mid noqdeen Baarlamaanka Maraykanka.

Hadaba  hadaan u soo laabto Su’aashaydii hore maxaa keenay in  Siciid Deni, Gaadaale  iyo kuwa la midka ah ee aan  Ceesaan jaban lagu aaminin, oo maskax dad iyo ururo kale  ku shaqaynayaa ay u ordayaan hogaanka Puntland, halka hal doorka, geesiga, hadal yaqaanka beelaha kale ee Reer Puntland ay maalin walba dhegaysanayaa Jaajaale la mid ah Faroole iyo Cali Xoosh oo dhufays ka dhiganaya magaca Caasimadda Garowe oo ay beeshoodu degto

Jawaabta su’aashan waa sadabursiga Xildhibaanada ee beesha Majeerteen leeyihiin 33 Xildhibaan oo marka ugu danbaysa ay beeshu hal meel isu raacdo oo ay u wada codeeyaan

Doorashadii 2009 Wareegii koowaad ee doorashada  Faroole waxa uu helay 25 cod, halka C/laahi Ilka jiir uu ka helay 14 cod, Nuuradiin Aadan 8 cod, Gen. Cadde Muuse 8 cod, Aadan Gaadaale 4 cod, Awaare 3 cod, Farjac oo aan wax cod ah helin iyo Eng. Nuur oo isagu ka tanaasuley musharaxnimada.

Wareegii Labaad waxaa Dr. Faroole helay 30 cod, halka Ilkajiir uu ka helay 18 cod, Nuurudiin Aaden 11 cod, iyo Gen. Cadde Muuse oo helay 4 cod.

Halkaas waxaa ku haray Nuurudiin Aaden iyo Gen. Cadde Muuse.

Waxaa Wareeggii saddexaad codkii aqlabiyaddaa oo ah 49 cod helay Dr. Faroole, halka Ilkajiir helay 17 cod. Xildhibaanada codeeyey waa 66 xildhibaan. Sidaas ayaa C/raxmaan Maxamed Faroole waxaa loogu doortay madaxweynaha DGPL ee 4-ta sano ee soo socota.

Halkaa waxaad ogaanaysaa Ilkojiir inuu waregii hor iyo wareegii sadexaadba helay tiro isku mid ah.

Ugu danbayntii maanta Madaxweynaha hadda Xilka haya oo ay qabyaaladdu ku yar tahay, oo Puntland ka saari lahaa 33 Xildhibaan oo ay halka beeli lahayd, oo shacabka Puntland gaarsiin lahaa hal cod iyo hal Qof waxa dagaal kula jira Siyasiyiin beeshiisa ah oo sida Xisbiga Jamhuuriga Maraykanku ay u diidanaayeen madaxweynhii madoobaa ee Maraykanka Obama iyo in nin aan Cadaan ahayn uu Maraykan ku taliyo, ayaa iyaguna waxay doonayaan inay Puntland sidaa sii ahaa oo ay isu bedbedalaan . Umadda Puntland inteeda kale diyaar ma u yihiin Deni oo maalmihii uu ka midka ahaa dawladdii Cade Muuse, Ninka ugu hubka badnaa Puntland uu ahaa, Allah ha u naxariistee Cade Muuse, Ninka labaadna uu ahaa  Allah u naxariistee Cismaan Diyaano, Ninka sadexaad Cabdulaahi Siciid Samatar, Nika afraadna  Cali Cabdi Awaare. Hubkaas tirada badan ee lagu helay magaca Puntland Tukaraq iyo Galgala midna lama gayn. Reer Bariga ayaa lagu cabsi geliyaa. Murashaxiintan oo qaarkood Xitaa gawaarida ay wataan ma laha Taariko oo Canshuur ma bixin, markii horena waa kuwii Puntland u bililiqaystay. Qaarkood Talafishano iyo Idaacado ayey ka samaysteen

 

Allsanaag.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*