10th November 2025  admin  Category :

Waa tuma Saamiya Xasan, madaxweynaha mar kale loo doortay Tanzania?

Madaxweynaha Tanzania, Samia Suluhu Hassan ayaa guul weyn ka gaadhay doorashadii dalkaasi iyadoo heshay ku dhawaad 98% codadka, sida ay subaxnimadii maanta oo Sabti ah ku dhawaaqeen guddiga doorashooyinku.

“Waxaan halkan kaga dhawaaqayaa in Samia Suluhu Xasan loo doortay Madaxweynaha Tanzania iyada oo ka socota xisbiga CCM,” ayuu yiri Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka, Jacobs Mwambegele, isagoo ka hadlaya telefishinka qaranka.

Guddoomiyaha INEC, Jacobs Mwambegele, ayaa sheegay in Samia Suluhu Hassan ay ku guuleysatay oo ay heshay 31,913,866 codod oo ka mid ah 32,678,844 codod oo la dhiibtay.

Natiijooyinkan ay ku dhawaaqday INEC waxay siinayaan Suluhu awood buuxda oo ay ku maamusho muddo shan sano ah.

Waa tuma Samia?

Tanzania

Saamiya Suluhu Xasan oo 65 jir ah waxay ahayd madaxweyne ku xigeenka Tanzania tan iyo 2015-kii, waxayna xilka madaxtinnimada la wareegtay ka dib markii uu dhintay madaxweynihii dalkaas, John Pombe Magufuli sanadkii 2021.

Waxay noqotay haweeneydii ugu horreysay ee qabata xilka ugu sarreeya ee Tanzania. Sidoo kale waxay noqotay madaxweynihii labaad ee Tanzania ee ka soo jeeda Zanzibar.

Madaxweynihii ka soo jeeday Zanzibar ee xilka kaga horreeyay wuxuu ahaa Cali Xasan Mwinyi, kaas oo dalkaa hoggaaminayay muddo 10 sano ah – 1985 illaa 1995.

Waana markii ugu horreysay oo Tanzania uu ka dhintay madaxweyne xilka hayay, laguna beddelay madaxweyne ku xigeenka.

Tanzania
Qoraalka sawirka,Samia iyo Magufuli

Sannadkii 2015-kii, xilligii ololihii doorashada, kooxdii ay Saamiya Suluhu Xasan ay hor keceysay ee xisbiga CCM, waxaa lagu soo bandhigay heeso ay qaadeen fannaaniin caan ah. Waxay u tartameysay xilka madaxweyne ku xigeenka.

Markii hore dad badan ayaa kaga baqayay dumar ahaan iyo sida haweenka loo xushmeeyo – balse si ay ugu muuqato qof dadka u dhow, waxay ka dalbatay in ay hal magac ugu yeeraan – waxay ahayd Hooyo ama Mama.

Markaa wixii ka dambeeyay, ololeheedii doorasho wuxuu noqday mid dad badan soo jiitay – si ka duwan musharrixiintii kale ee ka soo horjeeday.

Dad badan oo reer Tanzania ah, magaca Saamiya Suluhu Xasan, wuxuu u noqday mid ay aad u garanayaan ka dib markii loo magacaabay in ay u tartanto xilka madaxweyne ku xigeenka, sannadkii 2014-kii.

Xilligii Tanzania ay hirgelineysay dastuurka cusub – ka dib markii la dhammeeyay latashigii dadwaynaha – Mama Saamiya waxaa loo xilsaaray meelmarintiisa ee dhanka golaha Baarlamaanka.

Tanzania

Maaddaama Baarlamaanka si toos ah uu telefishinnada shacabka ugala hadlaayay – oo dad badan oo reer Tanzania ah u hamuun qabeen in ay helaan xog dhameystiran – Saamiya wejigeeda wuxuu noqday mid dastuurka ku lamaanan, waxaana meeshaas ka soo muuqatay awooddeeda hoggaamin.

Taa waxay ahayd muuqaalkii shacabka ay ka haysteen. Sidoo kale gudaha baarlamaanka waxaa looga arkayay in ay tahay qof deggan, xitaa marka ay doodo kulul jireen.

Ka dib waxay hanatay xilka guddoomye ku xigeenkii xisbiga talada haya, maadaama uu sidaa dhigayo sharciga xisbiga, ayna ahayd qofka ugu firfircoonaa ee ka soo jeedo Zanzibar.

Sikastaba, dad badan ma aysan fileynin in madaxweynihii isbedel doonka ahaa ee geeriypooday, John Magufuli, uu Saamiya ka dhigto madaxweyne ku xigeen, sannadkii 2015-kii.

In kastoo khibrad 15 sano oo heer wasiir ah ay lahayd, baarlamaanka na ay ka mid ahayd, haddana dad badan ma aysan u arkeynin in Magufuli uu xulan doono iyada.

Markii xisbiga talada haya ee CCM uu doorashada ku guuleystay, sannadkii 2015-kii – taa oo ahayd middii ugu adkeyd ee xisbigaas uu galay – Saamiya waxay dhigtay taariikh cusub, waxayna noqotay madaxweyne ku xigeenkii ugu horreeyay ee dumar ah ee Tanzania yeelatay.

Taariikhdeeda shakhsiga ah oo kooban

Samia
Qoraalka sawirka,Saamiya iyo seygeeda, Hafidh Amir

Saamiya waxay seygeeda, Hafidh Amiir, is guursadeen sannadkii 1978, waxayna isu dhaleen afar canug.

Wiilkeeda ugu caansan Wanu, waa xubin ka tirsan baarlamaanka Tanzania.

Saamiya waxay Maamulka iyo Maareynta ka kala baratay Jaamacadaha Manchester ee Britain iyo Mzumbe oo ku taalla Tanzania.

Markii ugu horeysay ee dowladda ay u shaqeysay waxay ahayd sannadkii 1977, ka dib sare ayey u sii kacday, waxayna noqotay Sarkaal dhanka qorsheynta qaabilsan, muddadii u dhexeysay 1987 illaa 1988.

Sidoo kale, waxay noqonay Madaxa Barnaamijyada Hay’adda Cuntada Adduunka (WFP) ee Zanzibar, 1998 illaa 1999.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*