11th November 2025  admin  Category :

Ciidamada Puntland ee dagaalamaya buuraleyda Calmiskaad ee gobolka Bari ayaa soo bandhigay nin ajnabi ah oo tirsanaa kooxda Daacish ee ku dhuumaalaysanaysa togga Baallade.

Ciidamada ayaa sheegay in ninkan oo sheegtay in uu u dhashay dalka Sucuudiga laga qabtay inta u dhexeysa Carabi iyo Maragadane ee togga Baallade.

“Ciidanku waxay qabteen nin ajnabi ah oo ka tirsana firxadka argagixisada Daacish, waxaa laga qabtay inta u dhexeysa Carabi iyo Maragadane ee togga Baallade – Calmiskaad, wuxuu sheegtay inuu u dhashay Sucuudi Carabiya” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay howlgalka ciribtirka argagixisada ee Puntland.

Ciidamada Puntland ayaa dhowr jeer oo hore soo bandhigay rag ajaaniib ah oo tirsanaa kooxda argagixisada Daacish ee ku jabay dagaalka Calmiskaad.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*