
6th November 2025 admin Category :
Waa tuma haweeneyda calanka u sidda barakicinta Falastiiniyiinta muddada 50-ka sano ka badan
Haweeneydan ayaa lagu magacaabaa Daniella Weiss, waxaana eedeyn u soo jeediya Falastiiniyiinta iyo israa’iiliyiinta u ololeeya qaddiyadda Falastiiniyiinta.
Israa’iiliyiinta la deegaameeyey ee falastiiniyiinta ka bara kiciyey daanta galbeed, deegaannadoodana ku sin balaariyey halkaa ayaa ku tilmaama “rasuul alle soo diray”. Waxaa kale oo ay ugu yeeraan kalmad diimeed, taasoo shegaysa inay tahay “ilaalisada dadka la deegaameeyey”.
Tirada dadka Israa’iiliyiinta ee la dajiyey daanta galbeed ayaa hadda dhaafay nus malyan qof.
Dhulalkaas dadka la dajiyey ayaa ku baahsan daanta galbeed, waxaana jira ilaa 140 deegaan oo hadda noqday magaalooyin yaryar.
Daniella Weiss waxay u sheegtay barnaamij dokumentari ah oo BBC ay samaysay inay ku lug lahayd deegaameyntaas.
Waxay daanta galbeed ugu yeeraan Judea iyo Samaria, dad badan oo yuhuud ahna waxay aaminsan yihiin in “dhulkan uu alle siiyey awooweyaashoodii hore”. Waxay soo xigtaan kitaabka baaybalka ayagoo taa sababaynaya.
Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa isagana ugu yeera Jude a iyo Samaria dhulka daanta galbeed.
Daniella Weiss waxay sheegatay in hadafkeedu yahay in tirada dadka yuhuudda ah ee daanta ku nool ay mar kasta aad u badnaato, si loo kala dhantaalo dal madax banaan oo falastiiniyiintu yeeshaan, taasoo loo arko inay tahay xalka xiisadda u dhaxaysa Israa’iil iyo Falastiiniyiinta muddada nus qarniga ku dhow.
Waraysi ay siisay warbaahinta Israa’iil ee Haaretz lix sano ka hor ayay ku sheegtay inay habeen iyo maalinba ka shaqaynayso sidii tirada hadda la sheegay ay uga dhigi lahayd in ka badan hal milyan.
Bradley Baristan oo ah saxafi ka tirsan Haaretz ayaa sheegay in riyadii Falastiin ee dowladnimo uu mugdi galiyey dhaq-dhaqaaqa Daniella iyo kuwa la midka ah.
Bradley oo ah muwaadin Israa’iili ah sida Daniella ayaa ka soo horjeeda dhaq-dhaqaaqyada dadka Israa’iil ee deggen Daanta Galbeed, wuxuuna Daniella waydiiyey sababta ay uga saarayso Falastiiniyiinta oo ay iyagu u dagayaan, isagoo sheegay inay taasi mugdi gelinayso mustaqbalka Israa’iil.
“Waan ku faraxsanahay in falsafadayda [dejinta reer Israa’iil ee daanta galbeed] ay guulaysato; waxayna ka dhigtay xalkii labada dal mid guuldarraystay” ayay ku jawaabtay.
Tirada badan ee degsiimooyinka Israa’iil ee Daanta Galbeed darteed, “Xaggee Falastiiniyiintu ka dhisan doonaan dalkooda?”
Waxay sheegtay in ficil ahaan, hawsha dadka la deegaameeyey ee dhulka ay tahay inay xannibaan waddadii ay Falastiin ku noqon lahayd waddan madaxbannaan.

Daniela qudheedu waxay degtay Daanta Galbeed iyadoo ka timid Tel Aviv oo ku taal xeebta Mediterranean-ka. Waxa ay sheegtay in ay nolol wanaagsan ku noolaayeen intii ay ku deganayd Tel Aviv balse ay uga tagtay si ay u rumowdo riyadeedii ahayd in ay dad dejiso degsiimooyinka Daanta Galbeed.
“[Markii ugu horreysay ee aan nimid] dadku waxay na weydiinayeen maxaad u aadaysaa meel mugdi ah [oo aan horumar lahayn]? Hadda waxaad aadaysaa halkaas [Daanta Galbeed] si aad teendhooyin uga degto?
Markii dadkii ugu horreeyay ay yimaadeen 1975-kii oo ay bilaabeen in ay degaan Daanta Galbeed, ciidanka Israa’iil ayaa ku qasbayay in ay baxaan.
Inkastoo askarta Israa’iil ay eryeen dadkii deegaanka, haddana si aan laga daalin ayay u soo safreen, ayagoo teendhooyin u dhistay.
Markii dambe ayay dowladdu u ogolaatay inay degaan meel dhinaca ku haysa saldhig ciidan oo ku yaalla koonfurta Nablus. Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Yitzhak Rabin ayaa xilligaas aaminsanaa in dadkan ay naftooda ku caajisi doonaan marka nolosha baadiyaha ay adkaato, sida uu sheegay wargeyska Haaretz.
Daniela iyo qaar kale, si kastaba ha ahaatee, waxay sii wadeen inay ballaariyaan degsiimooyinkooda oo ay soo jiitaan degeyaal kale.
“Markii aan nimid dhamaadkii 1975, wax aan ka badneyn 10 qoys oo Yuhuud ah ayaa ku noolaa degsiimooyinka Judea oo dhan iyo Samaariya [Daanta Galbeed]. Hadda waxaa Judea iyo Samaariya oo dhan jooga nus milyan Yuhuud ah” ayay tiri.
Danielle waxa ay sheegtay in shaqadoodii dejintu ay mugdi galisay riyadii Falastiin ee ahayd in la dhiso dawlad madax banaan.
“Ugu horreyn, waan ogahay [in Falastiin aysan ahayn dal], siyaasad ahaan, macquul maahan haddii aad eegto waxa dhabta ah ee halkaa laga sameeyay.
“Boqolaal kun oo Yahuud ah ayaa halkan ku sugan [Daanta Galbeed], sidoo kale 3,000 oo Yuhuud ah ayaa ku sugan Bariga Quddus. Halkee ayay Falastiin ka noqon doontaa waddan?” Waxay tiri fikradda ah in Falastiin ay dal noqoto weligeed ma dhicin.
“Dhulka u dhaxeeya Niil iyo Furaat waa dhulkeena”
Qadiyadda Daniella iyo kuwa kale oo la mid ah oo aad uga shaqeeya ballaarinta degsiimooyinka kuma eka Daanta Galbeed.
Waa in laga dhigo dalalka deriska ah sida Ciraaq, Suuriya, Lubnaan iyo webiga Niilka Israa’iil.
Sida ay sheegtay, waxay aaminsan tahay in xuduudda Israa’iil aanay ku koobnayn tan hadda jirta, balse laga bilaabo Furaat ilaa webiga Niil “sidii Ilaah ugu dhaartay awowayaashood”.
“Waxaan rabaa in dawladda Yuhuuddu ay noqoto dhulkii Eebbe ugu dhaartay Kitaabka baybalka ah, laga soo bilaabo Furaat ilaa Niil. Shakina iigama jiro inay taasi dhici doonto,” ayay u sheegtay Haaretz.
Mar Haaretz waydiisay in tani ay ku jirto koonfurta Lubnaan iyo in kale, waxay ku jawaabtay, “Haa, waxa ku jira [ma aha koonfurta Lubnaan oo keliya laakiin] Ciraaq ilaa xad, Iran ilaa xad iyo Suuriya ilaa xad.”
Waxay sheegtay inay ku guulaysatay inay dejiso dad badan oo deggan Daanta Galbeed. Waxay weli ku baaqaysaa in dad badan ay yimaadaan Daanta Galbeed oo ay qabsadaan dhulka. Waxa ku xiga Gaza.
Ka dib markii uu qarxay dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas 2023, Daniela Weiss iyo kuwa kale oo la mid ah waxay diiradda saareen Qasa – Ujeedadooduna waa inay u degaan Gaza sidii ay ku sameeyeen Daanta Galbeed.
Wareysi ay BBC-da siisay sanadkii hore ayay Daniela Weiss ku sheegtay in ay bilowday dhaq-dhaqaaq ay ku dajineyso Yahuudda Qaza. Waxay sheegtay inay diwaan galisay 500 oo qof oo doonaya inay degaan Qaza.
Ka dib qabsashadii Israa’iil ee Qaza ee dagaal hore oo ay la gashay Xamaas, 9,000 oo Israa’iiliyiin ah ayaa la dejiyay Qaza.
Si kastaba ha ahaatee sannadkii 2005, waxay ka baxday Qaza, ciidamada Israa’iilna waxay si xoog ah uga saareen dadkii la deegaameeyey.
Deganayaasha sida Daniela waxay ku eedeeyeen dawladda Israa’iil tallaabadaas oo ay sheegeen inay tahay khalad taariikhi ah.
Kadib markii Xamaas ay bilowday dagaal ka dhan ah Israa’iil sanadkii 2023-kii, dad hore u deganaa Israa’iil iyo kuwo kale ayaa u ololeynaya in hadda la joogo xilligii ay la wareegi lahaayeen maamulka Qaza.
Waxay aaminsan tahay in Falastiiniyiinta ay ka baxaan Qaza oo ay degaan dalalka Carabta.
“Carabta Qaza waa inaysan ku sii nagaan meeshaas, haddii qof uu ku sii nagaanayo Qaza, waa Yuhuudda”.
“Dunidu waa ballaaran tahay, Afrika waa weyn tahay, Kanada waa weyn tahay, dunidu waa qaadi kartaa dadka Qaza,” ayay u sheegtay BBC.
Dalal ay UK ka mid tahay ayaa haweeneydan xayiraad saaray.







