18th June 2025  admin  Category :

Waa maxay sababta Gantaalada difaaca hawada sare loo geeyay magaalada Maka xilligan Xajka?

Wasaaradda Difaaca Sacuudiga ayaa baraha bulshada soo dhigtay qaar ka mid ah muuqaallada muujinaya diyaarad helikobter ah oo milateri iyo gantaalada nidaamka difaaca hawada kuwaasi oo la dhigay aag u dhaw Masjid Xaramka ee magaalada Maka oo ah magaalo barakeysan.

Sawiradan la baahiyay, ayaa wasaaradda Difaaca Sacuudiga waxay qortay, “Ciidanka Difaaca Cirka…ayaa isha si aan libiqsi lahayn uga haya, hawshooduna waa inay ilaaliyaan martida Ilaah.”

Mid ka mid ah labada goobood oo lagu baahiyay sawirada gaar ahaan ‘X’ ee Wasaaradda Difaaca Sucuudigu waxay muujinaysaa nidaamyada gantaallada ka hortaga hubka la soo rido oo la dhigay hareeraha magaalada Maka , halka Sacudiga Clock Tower, oo ah dhismaha caanka ah ee ku yaalla afaafka hore ee Masjidka Xaramka, uu sidoo kale ka muuqdo gadaal.

Sawir kale ayaa muujinaya, iyada oo Diyaarad Helicopter ah ay ku wareegeyso Masjidka barakeysan ee Xaramka iyo agagaarkiisa.

Sanadkan waxaa xajka gudanaya dad gaaraya hal milyan iyo bar oo ka kala yimid daafaha caalamka.

Sawirradan ay faafisay Wasaaradda Difaaca Sacuudiga ayaa si weyn ugu baahay baraha bulshada, waxaana dadka isticmaala baraha bulshada ay is weydiinayaan su’aal ah sababta ay dowladda Sacuudiga ugu baahan tahay in nidaamkan difaaca hawada lagu rakibo halkaasi xilliga xajka?

Waxaa jira dood ka socota baraha bulshada oo qaarkood ay ku andacoonayeen in Sacuudi Carabiya ay nidaamkan difaaca ugu rakibtay Maka munaasabadda Xajka si la isaga ilaaliyo weerarrada suurtagalka ah ee dagaalyahannada Xuutiyiinta Yemen.

Tan iyo markii uu billowday howlgallada ka dhanka ah Xuutiyiinta ee uu hoggaaminayo Sacuudiga, dagaalyahannada Xuuthiyiinta ayaa marar badan sheegtay inay gantaallo la beegsadeen magaalooyinka Sacuudiga.

Geesta kale, Sacuudiga ayaa Xuutiyiinta ku eedeeyay inay horey u soo weerareen magaalada Makkah. Si kastaba ha ahaatee, Xuuthiyiinta ayaa iska fogeeyay eedeymaha ah in ay weerareen magaalada barakeysan ee Muslimiinta.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*