18th June 2025  admin  Category :

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Mudane Hon. Abdirisak Ahmed Said, ayaa galabta magaalada Garoowe waqti kula qaatay qaar ka mid ah dadweynaha caasimadda iyo masuuliyiin kale, isagoo la wadaagay farxadda maalinta labaad ee Ciidul-Adxaa.

Kulankan ayaa qeyb ka ahaa dadaallada joogtada ah ee Guddoomiyaha ku xoojinayo isdhexgalka shacabka iyo masuuliyiinta Dowladda, wuxuuna fursad u noqday in laga wada hadlo arrimo la xiriira horumarka, nabadda iyo doorka shacabka ee dhismaha dowladnimada Puntland.

Guddoomiye Hon. Abdirisak Ahmed Said ayaa bulshada ugu hambalyeeyay munaasabadda ciidda, wuxuuna ugu baaqay in ay sii xoojiyaan midnimada, wadajirka iyo taageerada hay’adaha dastuuriga ah ee dowladda Puntland.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*