15th May 2024  admin  Category :

Waa kuma dilaaga lagu magacaabo “maska” ee xabsiga laga sii daynayo?

Dilaaga sida weyn loo yaqaanno ee u dhashay Faransiiska, Charles Soubrage, kaas oo diiradda lagu saaray taxanihii BBC-da ee “The Snake” ayaa laga sii dayn doonaa xabsi ku yaalla Nepal, ka dib markii ay maxkamaddu xukuntay.

Waxaa la soo saaray amarro lagu masaafurinayo Sobraj, oo 19 sano ku qaatay xabsiga Kathmandu ka dib markii lagu helay dambiga ah inuu  dilay dalxiisayaal sannadkii 1975-kii. Maxkamadda ayaa xukuntay in muddo 15 maalmood gudahood loo masaafurinayo Faransiiska.

Sobhraj ayaa lala xiriiriyay dhowr dil oo dalxiisayaal ah sanadihii 1970-meeyadii, waxaana uu 20 sano ku qaatay xabsi ku yaalla Hindiya.

Inta badan dhibanayaashiisa waxay ahaayeen dhalinyaro reer galbeed ah oo dhex mushaaxayay India iyo Thailand.

Subraj waxaa laba jeer lagu xukumay xabsi daa’im ah, midkiiba 20 sano ah, waxaa sidoo kale  lagu helay dilka haweeney Mareykan ah, oo la oran jiray Connie Jo Brunsich iyo saaxiibkeed Laurent Carrier oo Kanada u dhashay.

Waxa lagu xukumay laba maxkamadood oo kala duwan, oo ay ugu dambaysay sannadkii 2014-kii markaas oo lagu xukumay 20 sano oo xabsi ah.

Balse maxkamada sare ee dalka Nepal ayaa amartay in la sii daayo Subraj Arbacadi kadib markii kooxdiisa sharciga ay ku guulaysteen codsi ah in la dhimo xukunkiisa sababo la xiriira da’diisa iyo dhaqankiisa wanaagsan.

Charles Soubrage

Qodob ka mid ah sharciga Nepal ayaa u ogolaanaya maxaabiista dhaqan wanaaga sameeyay ee soo dhameystay 75% xabsigooda in la sii daayo.

Wakaaladda wararka ee France Press ayaa sheegtay in xukunku maxkamadda lagu sheegay “in lagu sii hayo xabsiga aysan waafaqsanayn xuquuqda aadanaha ee maxbuuska,” waxayna farta ku fiiqday in si joogto ah looga daweeyo cudurrada wadnaha oo ay tahay arrin kale oo sii deyntiisa horseedday. Qareenkiisa ayaa sheegay in laga yaabo in la sii daayo Khamiista maanta ah.

Sobhraj waxaa lala xiriiriyay in ka badan 20 dil intii u dhaxeysay 1972 iyo 1982, kuwaas oo dhibanayaasha la sumeeyay, la ceejiyay, la garaacay ama la gubay.

Waxa lagu naaneesaa “Maska” ama “Dilaaga Bikini” sababta loogu bixiyay magacaas ayaa ah kartida uu leeyahay is qarinta iyo ka baxsashada xabsiga si uu bartilmaameedsado haweenka da’da yar.

Kahor inta aan laba jeer lagu xukumin Kathmandu, Sobhraj wuxuu labaatan sano oo xabsi ah horey ugu qaatay Hindiya kadib markii uu sumeeyay bas ay saarnaayeen dalxiisayaal Faransiis ah.

Mudadaas waxa u suurtagashay in uu xabsiga ka baxsado muddo kooban isaga oo maandooriye siiyay ilaalada xabsiga.

Ka dib waxa uu sheegay in baxsashadiisa ay ahayd qorshe uu ku doonayo in uu ku kordhiyo xukunkiisa oo uu uga fogaado in loo gacan geliyo Thailand oo ku doonaysay shan dil oo kale oo uu ka geystay.

Markii laga sii daayay Xabsiga Hindiya, Subraj waxaa loo xiray dilka Brunsic ka dib markii lagu arkay baar kuytaal Kathmandu 2003.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*