26th July 2024  admin  Category :

MADAXWEYNAHA OO QASRIGA MADAXTOOYADA KU QAABILAY XILDHIBAAN ILHAAN CUMAR

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Xildhibaan Ilhaan Omar oo ka mid ah Congress-ka Maraykanka taasi oo booqasho maalmo ah uga bilowmatay Puntland.

Soo dhoweynta Xildhibaan Ilhaan Cumar waxaa ka qeybgalay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Ku-simaha Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Ahna Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiillada Mudane Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, Goleyaasha Dowladda , Saraakiisha Ciidamada, Maamulka Gobolka, Ururada Bulshada iyo Qeybaha Kala duwan ee Shacabweynaha Garoowe

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*