10th July 2026  admin  Category :

Waa kuma dalka labaad ee Somaliland aqoonsan kara kaddib Israel?

Warka aqoonsiga Israel ee Isaaqland ayaa gebi ahaanba dhaliyey falcelinno kala duwan, oo ku aaddan mustaqbalka beesha Isaaq , kan Soomaaliya iyo guud ahaan gobolkaba.

Soomaaliya, Turkiga, Qadar, Masar, Jabbuuti, midawga Afrika iyo dalal kale oo carbeed iyo kuwo afrikaan ah ayaa canbaareeyey kana soo horjeestay aqoonsigaas.

Dhanka kale, Isaaqland , ayaa iyana dhankeeda waddo dedaallo ay ku sii ballaadhinayso aqoonsigaas, iyada oo baadigoob ugu jirta dalalkii kale ee kusoo biiri lahaa Isra’iil.

Horjoogaha beelaha Isaaq Cabdiraxmaan Cirro ayaana si cad u sheegay in ‘dalal kale soo hayaan daqriiqa aqoonsiga Somaliland’ khudbad uu shalay jeediyey kaddib markii uu soo baxay warka Israel.

Warbaahinaha iyo falanqeeyayaasha siyaasadda ayaa iyaguna saadaalinaya xaalka sida uu noqon doono, saamaynta ka dhalan doonta aqoonsigan iyo weliba cidaha kale ee ku soo biiri doona.

Maxaa xigi doona?

Dalka Israaiil, oo ah mid ka mid ah dalalka siyaasad ahaan ugu awoodda badan caalamka, saaxiib dhaw iyo xidhiidh gaar ahina ka dhexeeyo Maraykanka, ayaa la filayaa in ay ka sii shaqayn doonaan taageero u raadinta xidhiidhka ay la yeesheen Isaaqland

Raysalwasaaraha Israa’iil Netanyahu ayaana si cad u sheegay wadahadalkii uu la yeeshay madaxweynaha Somaliland ‘in Trump uu gaadhsiin doono xidhiidhkooda iyo doonista ay Somaliland ugu biirtay heshiiska Abraham Accord’

Benjamin Netanyahu ayaa Axadda u safri doona dalka Mareykanka, isagoo maalin ka dibna kula kulmi doona Madaxweyne Donald Trump gobolka Florida, sida uu sarkaal Israa’iili ah u sheegay wakaaladda wararka ee AFP.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*