20th May 2024  admin  Category :

W/Batroolka XFS oo digniin u dirsay shirkad shidaal ka baareesa Soomaaliland

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay inay wasaaradda si dhow ula socoto howl-galka sharci darrada ah ee la doonayo in Shidaalka looga baaro Gobollada Waqooyi ee Soomaaliya ee loo yaqaano Somaliland, taas oo ay fulineyso shirkad lagu magacaabo Genel Energy PLC oo sheegtay in ay fasax u heysato baarista iyo ka faa’ideysiga kheyraadka batroolka ee Soomaaliya.

Qoraalka wasaaradda ayaa sidoo kale lagu sheegay in Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay si cad u diidday sheegashada Genel Energy PLC ee ah in ay leedahay sharci ay batroolka ama shidalka uga baarto gobollada Waqooyi ee Soomaaliya, waxayna ugu baaqday shirkadda Genel Energy PLC inay joojiso sheegashada sharci darrada ah ee ay ku leedahay xuquuqdeeda batroolka iyo inay fuliso hawlgal shidaal oo xadgudub ku ah madax bannaanida, dhuleed, iyo midnimada Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*