26th April 2024  admin  Category :

Waa kuma Ergeyga cusub uu Midowga Afrika u soo magacaabay Soomaaliya ?

Midowga Afrika ayaa Ergey cusub u soo magacaabay dalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Danjire Mousa Faki Mahamat ayaa Ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya u magacaabay Mohamed El-Amine Souef.

Souef oo baddalay Francisico Madeira oo bishi April ee sanadkan 2022-ka ay Soomaaliya dalkeeda ka ceyrisay.

Haddaba waa kuma Mohamed El-Amine Souef?

Danjire Mohamed El-Amine Souef waa diblumaasi u dhashay dalka Comoros,

wuxuuna dhashay bishii July 1962-kii.

Waxbarashadiisa heerka hoose, dhexe, sare iyo Jaamacadba wuxuu ku qaatay gudaha dalka Comoros.

Souef wuxuu soo noqday danjiraha Comoros u fadhiya dalka Masar ahna wakiilka gaarka ah ee Comoros u qabilsan Jaamacadda Carabta inti u dhaxeysay 1995-1998.

Sanadki 1998-kina waxaa loo magacaabay wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda Comoros, halka uu 1999-kina uu noqday wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda.

Wuxuuna xilkaasi iska casilay 2002-dii kaddib marki uu afgambi ka dhacay dalka Comoros si loo dhiso dowlad ku meel gaar ah.

Azali Assoumani oo hoggaaminayey afgamigi milatari ee dalka Comoros ka dhacay marki uu ku guuleystay doorashada ayaa mar kale loo magacaabay wasaaradda arrimaha dibadda.

Wuxuuna xilka iska casilay 2005-tii marki la isku shaandheeyey golaha wasiirrada.

Ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya u magacaabay Mohamed El-Amine Souef.

Markaa kaddib Mr Souef bishii April 2006-dii waxaa loo magacaabay Danjiraha ahna wakiilka gaarka ah ee Comoros u fadhiya Qaramada Midoobay.

Mohamed El-Amine Souef oo xildhibaan soo noqoday wuxuu mar la taliye uu u soo ahaa madaxweynaha dalka Comoros.

Souef oo horay uga soo shaqeeyey Waaxda Howlgallada Nabad ilaalinta Qaramada Midoobay ee loo soo gaabiyo DPKO.

Ilaa iyo 2011-kina wuxuu madax ka soo ahaa xafiiska xidhiidhka UNAMID ee kahartoum iyo Madaxa Xafiiska Koonfurta iyo Waqooyiga Daarfuur (UNAMID).

Wakhti xaadirkan ilaa Souef looga magacaabay Ergeyga gaarka ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya wuxuu ahaa madaxa howlgalka ciidamada nabad ilaalinta Qaramada Midoobay ee Mali ee MINUSMA.

Mohamed El-Amine Souef waaya aragnimada siyaasadeed uu leeyahay ka sokoow waa aqoonyahan xeel dheer isla-markaana ah qoraa buugaag badan qoray.

Inta badanna buugaagta uu qoro waxay salka ku hayaan siyaasadda iyo dhaqan dhaqaale.

Tani iyo 2008-dina wuxuu qoray ilaa iyo shan buug oo qaarkood loo soo xigto siyaasadda gobolka iyo qaaradda Afrika.

Ergeygi Hore Au u fadhiyey Soomaaliya Fransiso Madeira

Haddaba Ergeygan cusub ayaa baddalaya Francisco Madeira oo bishii April ee sanadkan dalka Soomaaliya uu ka ceyriyay Ra’isul wasaarihii hore Maxamed Xuseen Rooble.

Dowladda Soomaaliya oo eryidda Madeira isku khilaafday ayaan sheegin sababta keentay in la eryo.

Francisco Caetano Jose Madeira, oo u dhashay dalka Mozambique ayaa xilka loo magacaabay bishii October ee 2015-kii isaga oo beddelay Maman Sambo Sidikou oo ka soo jeeday Niger.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*