27th July 2024  admin  Category :

Ururka Sool Sanaag iyo Bari  SSB, oo ah urur dhowaan dhidibada loo taagay oo ay ku midaysan yihiin inta badan Qurbajoogta ka soo jeeda Maakhir, ayaa askartii dhowaan lagu dhaawacay buuraha Calmadow waxay u qaadeen magaalada Muqdisho si halkaa loogu soo daweeyo. Waxayna balan qaadeen inay dibadda u qaadi doonaan haddii  Askartan dhaawacooda  Muqdisho wax looga qaban waayo.

Ururkan Sool Sanaag iyo Bari,  ayaa la asaasay maalmo ka dib markii Dumarka iyo caruurta reer Maakhir lagu gawracay guryahooda ku yaala buuraha Cal madow, oo la doonayo in laga barakiciyo. Hase ahaatee sida la sheegay dadka ugu badani waxay xubno ka noqdeen Ururkan  maalintii gacan ku dhiigle Muuse Biixi uu yimid magaalada Hadaaftimo gobolka Sanaag.

Askartii dhaawaca ahayd oo diyaarad ka raacaysa magaalada  Boosaaso  iyo iyaga oo ka soo degaya Magaalada Muqdisho.

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*