14th July 2025  admin  Category :

“Turkiga iyo Israa’iil oo qarka u saaran in iska hor imaad uu dhex maro” -Financial Times

Wargayska kasoo baxa Ingiriiska ee Financial Times ayaa daabacay maqaal uu ugu magac daray “Turkiga iyo Israa’iil oo qarka u saaran iska hor imaad inuu dhex maro” sida ay tiri qoraaga maqaalka Asli Aydin Taşbaş.

Qoraaga ayaa ku billowday maqaalka iyada oo far fiiqaysa dagaalkii u dambeeyay ee u dhaxeeyay Israa’iil iyo Iiraan, taasi oo dhalisay “dib u sawiridda awoodda Bariga Dhexe” Waxaa ay ku doodaysaa khatartii ugu weynd ee kasoo bixi lahayd dagaalka aysan kasii dhex jirin labada dal, laakiin taa badalkeeda ay soo ifbaxayso tartanka u dhaxeeya Turkiga iyo Israa’iil.

Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Hakan Fidan ayaa dhowaan qeexay niyada cusub ee Ankara, isaga oo ka sheegay kulanka ururka iskaashiga Islaamka. ”Ma jirto dhibaato Falastiini, Lubanaani, Suuriyaan, Yemeni ama Iiraani ah, laakiin ay caddahay dhibaatada Israa’iil”.

Argatida ayaa iftiiminaysa wareega isbeddelka malaha Turkiga ee booska Israa’iil ay ka taagan tahay gobolka,” sida ay sheegtay qoraaga. ”Mar waxaa uu ahaa bahwadaag, ka dib tartame, waxaana hadda sii kordhaya argatida laga qabo oo ah mucaarad buuxa.”

Qoraaga ayaa aaminsan in Ankara ay dareemayso kacsanaan la xiriirta Israa’iil iyo aqoonsigeeda cusub ee sida hogaaminta awoodda gobolka ee kalsoonida leh, door madaxweynaha Turkiga Racep Tayyip Erdogan uu muddo dheer jamanayay.

Waxa ay soo qaadatay eedihii dhowaa ee siyaasiga Turkiga Devlet Bahceli, oo bahwadaag muhiim ah la ah Erdogan uu ku dooday Israa’iil isku dayayso “Qabsashada Anatolia” iyo daciifinta Turkiga, isaga oo ku doodaya malahan uusan ahayn mid kasii dhex jira dowlada Turkiga iyo warbaahinta caadiga ah.

Qoraaga ayaa sheegtay muuqa guud ee jamashadan uu yahay mid ka cad gudaha Israa’iil, halkaasi oo qaybaha ammaanka aasaasiga looga arko saamaynta Turkiga ee gobolka inay tahay khatar muddo dheer ah “in ka badan khatarta Iiraan”

Taageerada Erdogan ee aan qarsoonayn ee Xamaas ayaa muujisay fahamka falcelinnada kasoo baxay ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu dowladdiisa taasi oo dhalisay isweydaarsiga eedeymaha dhaleecaynta iyo xoojinta xiriirka Israa’iil ee Kurdida Suuriya, taasi oo Ankara ay muddo dheer u aragtay halis, sida ay qoraagu sheegtay.

“Gobol aan horayba u sii degenayn, colaad u dhaxeysa, labo kamid ah kuwa ugu awoodda badan ee milatariga- oo labaduna saaxiib la ah Maraykanka- ayaa laga yaabaa inay dhaliso jabinta isu dheelitirnaanta awoodda, ” ayay qortay.

Qoraaga ayaa eegaysa colaadda u dhaxeysa labada awoodood inay noqoto aragti siyaasadeed iyo mid dhuleed, iyo tan Suuriya- ka dib dhicitaankii maamulka Bashar al-Assad- waa tan ugu muhiimsan ee suurtagalin karta iskudhac.

Halka Turkiga uu raadinayo midaynta saamayntiisa ee Suuriya, iyada oo taageeraysa bahwadaagtooda kuwaasi oo hadda awoodda jooga iyo dalabka dowlad dhexe oo bahwadaag la ah Ankara, Israa’iil ayaa kordhisay weeraradeeda cirka iyada oo taageero u muujisay madax banaanida Kurdishka iyo Druze-ka Suuriya, iyada oo aragti tuhun ah ka qabta maamulayaasha cusub ee Suuriya sabab la xiriirta asalkoodii jihaadka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*