16th July 2025  admin  Category :

Federaalku waxay doonayan dhiig ku data gobolka Sanaag, Puntlandna waa la socotaa

Gudoomiyihii hore ee baarlamaanka Puntland Cabdirashiid Jibriil , oo dawladda federaalku u xil saartay in gobolka Sanaag ka gooyo Puntlandf, si loogu daro Khaatumo, ka dibna loogu abaal guiddi doono isaga madaxweyne ku xigeenka Khaatumo ayaan haba yaraatee cid ka soo jeeda gobolka Sanaag ayna arintaas kula socon.

Isimada Warsangeli, qurba joogta, wax garadka, dhalinyarada iyo guud ahaan bulshada gobolka Sanaag kulama socdaan Cabdirashiid fariinta uu Muqdisho ka keenay ee ah faragelinta khasabka ah ee dawladda federaalku ku doonayso in gobolka Sanaag lagu daro Khaatumo, si doorashada soo socoto xildhibaanada ka soo baxaya maamulkaasi ay u doortaan madaxweynha hadda xilka haya ee Xasan Culusoow..

Dawladda Federaalka ,Cabdirashiid, iyo Xildhibaan Timo cade oo ka soo jeeda gobolka Sool, oo loo xil saaray inuu xoog ku dhaqaajiyo maamulkan ayaa intooduba waxay ogsoon yihiin in beesha Warsangeli ayna diyaar u ahayn inay hadda ku biiraan maamul dhisan oo caasimad, madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeenka leh.

Mar haddii aan la heli Karin Bulshada gobolka Sanaag oo raali ka ah maamulka Khaatumo, sida kale ee suurta galka ah ee ay aaminsan yihiin Federaalku waa gobolka oo fawdo laga dhigo oo bulshada layska hor keeno si dhiig u daato , dhiigaa ku daadanayana uu noqdo mid ay ciidamada Puntland gaystaan, ka dibna ay shacabku ka hor yimaadaan maamulka Puntland.

Maamulka Puntland , waa la socdaan arinta wanna ka horeeyaan, tusaale haddaan aan u soo qaato maalmahan maamulka Puntland waa ogaayeen in Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanku oo Xildhibaan ah inuu faraha kula jiro arimo lid ku ah jiritaanka iyo wada jirka Puntland.

Maamulku wuu awoodda in Xildhibaanka laga keeno Mooshin xilka looga qaadayp, hase ahaatee shacabku ayaa la sugayey inay arkaan gudoomiyaha oo banaanka is keenay sidii maanta oo isaga oo hubaysan oo u muuqda inuu sawirku ku socday Villa Soomaaliya uu banaanka is keeno.

Ugu danbayntii maamulka Puntland, Marna isku dayi maayo inay weerar gaystaan oo dhiig ku daadiyaan gobolka Sanaag si ay u farxad geliso Villa Wardhiigleey, sidoo kalena haddii laga fursan waayo awoodda dawladnimo ayeey muujin doonaan

ALLSANAAG>COM

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*