1st May 2024  admin  Category :

Siyaasiyaasiyiinta Beesha Majeerteen ma waxay noqdeen Hasha Cunta oo cabaada

Mashaariicda ugu badan ee bulshadu caalamku maanata ka wadaan ama ka hirgeliyeen degaanada Puntland, waxaa si qabyaaladaysan oo musuqmaasaq ah looga  wadaa oo loogu  weeciyey,   loogana hirgelinayaa  waa  gobolada Nugaal iyo karkaar.

Mashaariicda  Qaramada midoobey ka wadaan Puntland sida  mashruuca hormarinta degmooyinka Puntland ee JPLG,  wuxuu ka socdaa oo qura degmooyinka Garowe, Gardo, Bossaso, Galkacayo, Jeriban, Bayla and Eyl ama afarta gobol ee Nugal, Karkar, Bari, iyo Mudug. Mashaariicdan degaanadaas  waxa u leexiyey oo si  Qabyaaladaysan degaanada beesha uu ka soo jeedo   uga hirgeliyey   waa siyaasi Majeerteen oo  aaminsan inuu sharciga ka weyn yahay oo aan lala xisaabtami karin oo sadbursiga uu beeshiisa Majeerteen u sameeyey, uu amaan iyo sharaf kagaga  heli doono  beeshiisa  inteeda kale.

In Qardho xariga laga jaro waddaddii afraad oo Laami ah muddo labo sano ah, magaalada Dhahar ee xarunta Gobolka Hayland oo Qardho u jirta 30km aan hal mashruuc laga hirgelin magalasdaas,  nooc kasta ha ahaadee waxa ka danbeeyy oo si qabyaaldaysan oo badheedh ah u sameeyey waa siyaasi Majeerteen oo Qardho iyo Dhahar ayna isugu mid ahayn. Oo falka guracan  uu sameeyey kaga doonaya Duco, amaan iyo sharaf beeshiisa inteeda kale

Hadaba waa maxay Cabdijmaal oo ka soo jeeda magaalada  Galgala,  oo magaaladiisii xoog lagu haysto, sababata ay siyaasiyinta Majeerteen  qaarkood u daba joogaan oo dacaayadaha raqiiska ah uga fidinayaa iyo lacag buu lunsaday.

Siyaasiyiinta Majeerteen ee daba jooga Cabdijamaal oo dacaayadaha raqiiska ah ka fidinaya , waa labo kooxood oo aaan iyagu heshiis ahayn.

Kooxda hore waa kooxdii  GBP iyo haraagii Jaamc Cali Jaamac, waa koox ka soo jeeda beesha Cismaan Maxamuud, Majeerteen,  waa kooxdii doonaysay inay bililiqaysato Majayahan iyo Dhalan, iyaga oo ku gabanaya maamulkii Puntland ee markaa jiray oo uu   Cade Muuse Allah ha u naxariistee madaxweynaha ka ahaa , waana koox la shaqaysa argixisada alshabaab ee buurta Cal madow,  si ay buurta Calmadow u sii ahaato bahalo Galeen. Hadda sida la sheeegay  kooxdan waxa galay damac ayna awoowayaashood marna ku fekerin oo ah inay isku dayaan inay ka soo gudbaan xadkii beelaha. Kooxdani waxay aamnisan yihiin Cabdijamaal oo aan ka mid ahayn dawladda Puntland inay si howl yar oo bililiqaysanayaan Buurta Calmadow iyaga  maleeshiyo beeleedkii horay Ceel afweyn  xarunta   uga  dhigtay ay mar labaad bililiqo buurta Calmadow u aadi doonaan . Kooxdani waa khatar ka daran Alshbaabka.

Kooxda Labaad waa Aaran jaan, waxaana hogaamiye kaabo Qabiil Cabdirxmaan Faroole, kooxdani waa kooxdii dadkii iyo duunyaddi ku noolaan jirtay  magaalada Galgala ka qaxiyey ama  barakiciyey. Markii danbena  lacagtii loogu talo galay dib u dejinta dadkii ka barakacay Galgala waa kooxdii  u wareejisay horumarinta magaalooyinka  Garowe iyo Eyl. Waa kooxdii   CiidamaddiI Bulshada Caalamka ay doonayeen inay u qoraan dadka degaanka ee Galgala iyo nawaaxigeeda  ka soo jeeda si ay ula dagaalamaan argagixisada, waa kooxdii lacagtooda lunsatay. Waa koox ay Cabdijamaal ay isaga hor yimaadeen dhaqan xumaddi ay horay u sameeyeen.

Ugu danbayntii Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas ayaa leh go’aanka ugu danbeeya oo ah inuu qaato dacaayadaha raqiiska ah ee haraagii Jaamac Cali Jaamac iyo kooxda Aaran jaan. Iyo in uu xaqiiqda raadiyo oo uuna ku dheerayn Cabdi jamaal oo kalsooni buklsho haysta inuu xil ka qadistiisa u soo mariyo Horseed iyo Garoweonline

ALLSANAAG.COM

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*