25th October 2024  admin  Category :

Taliyihii Soomaaliga ahaa ee ay Kenyanku u riyaaqeen oo hadda qabtay xil sare

Taliyaha Guud ee Booliska Kenya Hillary Mutyambai oo si ku meel gaar ah xilkiisa ugu wareejiyay ku xigeenkiisa, Nuur Gaabow, xilli uu dalka ku jira muran ka dhashay natiijada doorashadii dhawaan dhacday ayaa hadal hayn ka dhalisay baraha bulshada.

War saxaafadeed uu soo saaray Jimcihii, ayuu Mutyambai ku sheegay inuu qaadan doono fasax aan cayimneyn si dawyn uu u raadsado sidaa darteedna uu xilkiisa sii qaban doono Nuur Gaabow.

“Waxaa dadweynaha lagu wargelinayaa in laga billaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 26-ka Ogoosto aan ka maqnaan doono xafiiska si aan baaritaan caafimaad u aado sidaas darteed inta aan maqanahay waxaa xafiiska sii joogi doono Mudane Nuur Gaaboow, Taliye ku-xigeenka Booliska, waxa uuna sii ahaan doonaa Taliyaha Guud ee Booliska ilaa inta aan ka soo laabanayo,” ayuu Mutyambai ku soo qoray war saxaafadeedka.

Qaar ka mid ah shacabka Kenya ayaa bogaadiyay Nuur Gaabow, kaasoo mas’uul ka ahaa ammaanka hoolka xarunta guddiga doorashada 15-kii Ogosto, intii ay socotay tirinta iyo ku dhawaaqista natiijadii doorashada Kenya ee sababtay in raysal wasaarihii hore Raila Odinga uu qaadaco ka dib markii guddoomiyaha Guddiga Doorashada Kenya ee IEBC uu ku dhawaaqay inuu guuleystay William Ruto oo doorashada kula loolamayay.

Waxaa jiray iskuday looga joojin rabay guddoomiyaha inuu ku dhawaaqo natiijada, balse Gaabow ayaa amar ku siiyay askartiisa inay kala eryaan shakhsiyaad u badnaa siyaasiyiin taabacsan Raila oo ishortagay guddomiyaha guddiga Doorashada Wafula Chabukati xilli uu isu diyaarinayay inuu ku dhawaaqo natiijada.

BBC
Qoraalka sawirka,Taliyaha booliska Kenya Hillary Mutyambai oo qaatay fasax caafimaad

Maxaa laga yiri dallacsiinta Gaabow?

Qayb ka mid ah dadka isticmaala baraha bulshada ayaa u hambalyeeyay Gabow waxayna u rajeeyeen Mutyambai caafimaad degdeg ah, halka qaar kalena ay soo direen farriimo tibaaxaya in hadalka Mutyambai ee caafimaadkiisa ku saabsan uu madmadow badan ku jiro.

Nin la yiraahdo Ole Pekiro oo ka mid ah shacabka Kenya ayaa bartiisa Twitter soo dhigay qoraalkan:

“Noor Gabow waxa uu u qalmaa abaal-marin, waxa uu Kenya ka badbaadiyay xubnihii xsibiga ODM ee  weerarka ku qaaday guddiga IEBC, waa in uu hadda billaabaa baaris la xiriirta qalalaasahaasi.”

Dhanka kale, Nahashon Kimemia ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay in laga yaabo in taliye Mutyambai uu wajaho cawaaqibka “falalkii ka dhanka ahaa madaxweynaha la doortay ee William Ruto.”

“Taliyahii 4-tii sano ee la soo dhaafay jahwareerka iyo niyad jabka ku riday madaxwenaha 5-aad ee Kenya hadda xafiiska ma joogo. Waxaa xafiiskiisa jooga Nuur Gaabow oo ahaa ninkii horseeday in guddomiye Chebukati uu ku dhawaaqo, natiijada doorashada madaxweynaha.”

Nuur Gaabow

Dadka qaar waxay Nuur Gaabow ugu yeereen ‘halyeey’ daacad ah oo aan wax cabsi ah muujin si uu dalkiisa u badbaadiyo.

Xildhibaanka laga soo doorto magaalada Gaarisa Aadan Ducaale ayaa hadda doonaya in ku simaha taliyaha booliska Noor Gaabow uu ilaaliyo dadka Kenyanka ah iyo hantidooda.

Qoraal uu soo dhigay baraha bulshada ayuu Ducaale ku sheegay in Gaabow “uusan qaadan amarrada sharci darrada ah ee la xiriira dacwadda doorashada ee ka socoto maxkamadda ugu sarreysa dalka.”

Xildhibaanka ayaa sheegay in Gaabow ay u taalo shaqo adag oo ah ilaalinta shacabka Kenya. Waxa uuna ugu baaqay inuusan ka qeyb qaadan faragelinta Dimuqraadiyadda Kenya.

“Walaalkey Nuur Gaabow waa inuu ka feejignaadaa dhagarta iyo hagardaamooyinka dowladda ee fashilmay ee farogelinta Geedi-socodka Dimuqraadiyadda Kenya,” ayuu yiri Ducaale.

Waa kuma Nuur Gaabow?

Nuur Gaabow wuxuu xilal kasoo qabtay booliska Kenya oo uu ku biiray sanadkii 1989-kii.

Ka hor inta uusan noqon taliye ku xigeenka guud ee booliska wuxuu ka tirsanaa taliska maamulka kuleejka booliska.

Wuxuu heystaa shahaadada labaad ee jaamacadda, wuxuu ku takhasusay amniga, maamulka iyo ka hortagga dambiyada.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*