13th October 2024 admin Category :
Maanta ilaa Maalintii ugu horaysay maamulka Puntland cadadiska ku saareen dawladda federaalka , kuna guulaysteen in Allah u wada naxariistee RW Cali Khaliif lagu bedlo RW Xasan Abshir, ayaa mar walba oo Soomaaliya loo magcaabo Ra’isulwasaare aan ka soo jeedin beesha Majeerteen waxa la maqlaa hadalkan “dawladda federaalka iyo maamulka Puntland ayaa is haya.
Maalmihii doorashada dawladda federaalka socotay, Murashaxiinta u wada tartamayey hogaanka Soomaaliya kuwooda isugu dhowaa waxa ka mid ahaa madaxweynaha hadda hogaanka Soomaaliya ku guulaystay Xasan Culusoow iyo madaxweynaha Puntland Siciid Deni.
Intii la sugayey magcaabista Raisul wasaaraha labada hogaamiye Muqdisho ayeey wada joojeen Xiriirkoodiina waxba iskama bedelin ilaa la magcaabay Raisulwasaare ku yimid 4.5, oo ka soo jeeda beesha Ogaadeen ee Daarood.
Labo cisho ka dib magcaabistii Raisul wasaaraha waxa bilaabantay hadalkan dhegaha Soomaalida ku soo noq noqnayey dhowr iyo labaatanka sano, oo curyaamiyey horusocdkii qaranka Soomaaliyeed ee ah waxa is haya ” Maamulka Puntland iyo Dawladda Federaalka.
21 sano, khilaafkan la abuuryo ea marmarsiinyaha laga xishoonyo ah maxaa RW naloo sii waayey wuu soo socday oo wuxuu dib u dhacay u keenay Bulshada Soomaaliyeed intooda b adan , hase ahaatee waxa inta badan ka faaiida madaxda Puntland, magaalada Muqdisho iyo madaxdeeda.
Tusaale haddan u soo qaadano wada hadalka hadda ka socda casimadda Puntland ee u dhaxeeya Garowe iyo Muqdisho, ayaa Madaxweyne Siciid Deni go’aamiyay in kulamada oo socda ay ku weheliyaan saddex wasiir oo uu aad ugu kalsoon yahay, si aysan u bixin xogta wixii lagu wada-hadlo.Saddexda wasiir ayaa kala ah; Wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad (Cumar Maxamuud, Majeerteen) wasiirka Maaliyadda Xasan Shire Abgaal( Ciise Maxamuud, Majeerteen iyo wasiirka Tamarta Caarshe Siciid Aw Muuse (Cismaan Maxamuud).
Ugu danbayntii 20 Xildhibaan ee ka soo jeeda Beelaha Dhulbahante iyo Warsangeli ee doorta madaxda Majeerteen ee Puntland, maaha iyagu kuwa khilaafka bilaaba, kuwoo waxa laga oogaysiiyo ujeedada ka danbaysa khilaafka ama kuwo marka danbe wax ka faaiida ama uga faaiideya degaanaooda.
Madaxweyne Ku xigeenka Puntland Axmed Karaasha, madaxweynaha Federaalka Garoonka Garowe ayuu ku soo dhoweeyey, ma gayn karo magaalo ka mid ah degaankiisa xitaa kuwa nabdda ah , waxa ugu xigi doonta maalinta uu sii sagootin doono. Xildhibaanada ka soo jeeda beesha Warsangeli, oo uu Isimada dadka ugu xigaa ay uga hiiliyaan bulshada inteeda kale, iyagu maqaaxiyaha Garowe ayeey shaaha ku cabayaan
Ilaa hadda ma jiro siyaasi ka soo jeeda gobolada Sanaag iyo Sool oo la kulmay madaxweynaha Federaalka.
ALLSANAAG.COM