26th July 2024  admin  Category :

Markii SNM heleen taageerada Isimada Maakkhir, waxay shaqada ka eryeen saraakiishii u shaqayn jirtay ee  ka soo jeeday Maakhir

Muuse Daylaaf, oo maamulka SNM ugu magcawnaa Taliyaha ciidanka booliiska Gobolka Sanaag ayaa laga qaaday xilkii uu hayey, waxaana lagu bedelay  nin ka soo jeeda Beesha Habar jeclo, oo  ka mid ahaa saraakiishii beesha Isaaq ee  hogaaminaysay dagaalkii Kalshaale . Taliyahan xilka laga qaaday ayaa diiday in Sanaadiiqda SNM la geeyo degmada Dhahar ee  uu ka  soo jeedo. Sababtoo ah dagaal dad ku dhinteen ayaa ka dhacay degaano hoos taga degmada Dhahar, mar maamulka SNM sanadkii hore  isku dayeen inay sanaadiiq geeyaan.

Sawirka Weriye Mahdi Xawaadle.

Sidoo kale waxa xilka laga qaaday Taliye Ahmed Saed Gegaroor, oo ka soo jeeda degmada Xingalool. Xingalool waxay ka mid tahay degaanaddii uu xasuuqa ka gaystay Gacan ku dhiigle Muuse Biixi.

Magaalada Hadaaftimo ayaa sida la sheegay waxa loo soo   dirayaa Urur ciidamada SNM ka mid ah, oo ka imanaya degmada Gabiileey, waxayna ilaalin doonaan  Isimada iyo siyaasiyiinta la shaqeeya maamulka Hargaysa   ee ku sugan gobolka Sanaag

Muuqaalka hoose ninka ka hadlaya waa qurba joog reer Maakhir ah, ku dhashay kuna barbaaray degmada Burco ee gobolka Togdheer , aaminsana hadalada   asxaabtiisa reer Burco ay ku  wada sheekaystaan ee  ah in Somaliland dal madax  banaan tahay oo doorashooyin ka dhacayaan.

Xingalool maaha bahalo galeen, shir SNM lagu taageerayo lagu qaban maayo ee ha la ilaaliyo wada noolaanshaha bulshada reer Xingalool

https://youtu.be/H6IGDpvwWF8

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*