26th July 2024  admin  Category :

Ciidamo Yuribiyan ah oo  ku soo biiray kuwii Afrikaanka ahaa oo horay u ilaalinayey nabadda Muqdisho

llaa 200 ciidan isugu jira Saraakiil ciidan iyo askar ka socda Turkiga ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho, taasoo ah tiradii ugu badneyd oo Ciidamo Turkish ay ka qeyb qaadanayaan howl galka Saldhiga Milateri ee Muqdisho  dhowaan ka furanayaan.

Diyaarada Turkish Airways ayaa ciidamadan u soo daabushay magaalada Muqdisho, sida ay baahiyeen warbaahinta Turkiga

Warbaahinta Turkiga ayaa shaaciyay askarta qeybta ah saldhiga Milateri ee bisha soo socota laga furayo magaalada Muqdisho uu howl galkooda bilowday maalintii shalay.

Saldhiggan oo ku yaala duleedka Muqdisho, gaar ahaan dhanka Jaziira ayaa waxaa markiiba lagu tababari karaa illaa 1,500 askar.

Bisha soo socota ee September ayaa qorshuhu yahay in si rasmi ah loo furo saldhiga Milateri ee Turkiga ka dhistay Muqdisho

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*