8th May 2024  admin  Category :

Taliyaha cusub ee loo magacaabay Ciidamada Madaxtooyadda Villa Somalia oo Maanta xilka la wareegay

Taliyaha cusub ee ciidamada Madaxtooyadda Soomaaliya dhowaan loo magacaabay Gaashaanle Odowaa Yuusuf Raagge ayaa maanta si rasmi ah xilka ula wareegay.

Munaasabad ka dhacday Taliska ciidamada Madaxtooyada ee loo yaqaan Koofi Gaduud, xarunta Madaxtooyadda  ayaa xilkan si rasmi ah loogu wareejiyay Gaashaanle Odawaa Yuusuf Raagge oo ah nin dhalinyaro ah, iyadoo uu xilka banneeyay Taliyihii hore ee Madaxtooyadda Axmed Maxamed Cali (Afcaddeey).

Munaasbadda waxaa goobjoog ka ahaa Taliska ciidamada iyo Saraakiisha ciidamad Madaxtooyadda ee Villa Somaliya. Odawaa Yuusuf Raagge ayaa ah nin dhalinyaro ah oo ka mida saraakiisha dhiigga cusub ee ciidamada xoogga dalka, wuxuuna maanta si rasmi ah ula wareegay  ammaanka Madaxtooyadda Somaliya oo ah fadhiga madaxda dalka.

Isbedelkaagu sameeyay Taliyihii ciidanka Madaxtooyadda Villa Somaliya ayaa yimid kadib dhacdadii xarunta Baarlamaanka ay ku galeen ciidamo ka tirsan ururka 60-aad ee ilaalada Madaxtooyada oo ka amar qaadaneyey guddoomiyaha Baarlamanka Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari).

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*