25th October 2024  admin  Category :

Diyaarad  ku raram Doolar fara badan  ayaa lagu qabtay Muqdisho. Lamana oga in Kaaba laadarka Soomaaliya Jawaari iyo Qaswadayasha Soomaaliya ay lacagtani u socotay
Diyaarad lacag fara badan siday oo ka timid Imaaraadka Carabta ayaa lagu qabtay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisbo.

Saraakiil ka tirsan Safaaradda Imaaraadka Carabta ee Muqdisho ayaa ku sugan garoonka Muqdisho, kuwaasoo sugayay diyaarada, sida ay xaqiijinayaan wararka laga helayo garoonka Muqdisho.

Ciidamada ammaanka ee garoonka ayaa ka war helay in lacag sido diyaaradan, iyagoo ku amray in la baaro boorsooyinka, taasoo uu ka dhashay muran.

Ismaandhaaf ku aadan lacagtan ayaa ka taagan garoonka, iyadoo diyaaradda timid garoonka ay diiday in la baaro.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda ayaa ku sii jeeda garoonka, kuwaasoo ku baxay is maandhaafka ka taagan diyaaradan lacagta lagu qabtay.
 
Ilo ku sugan garoonka ayaa ii xaqiijiyay in imaatinka diyaaradda lacagta siday laga war hayay, balse inta ay la egtahay lama oga cadadkeeda.

https://allsanaag.com/qol-lagu-kireeyo-habeenkii-35000/

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*