28th March 2024  admin  Category :

14 Milyan oo doolar maaha mushahaar loo waday  Ciidan Soomaaliyeed  ee waa Musuqmaasaq  la doonayey in lagu joojiyo Mooshinka laga keenay Jawaari

Garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ayaa hada lagu qabtay lacag dhan 14 malyan oo doolar oo diyaaradi ka keentay Imaaraadka.

Ujeedada lacagtan ayaa ahayd in lagu difaaco Gudoomiye Jawaari si uu uga badbaado beri mooshinka kalsooni kala noqoshada.

Hay’ada nabadsugida NISA ayaa la wareegtay lacagtan la doonayey in lagu majo-xaabiyo qaranimada iyo degenaanshaha Soomaaliya.

Lacagtan  ayaa hadda  la sheegay in ay ciidamada nabadsugida ka soo qaadeen garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ayna ku xareeyeen Bangiga dhexe ee Soomaaliya.

Ammaanka Bangiga Dhexe ayaa aad loo adkeeyay caawa iyadoo la xirey wadooyinka u dhow dhow Bangiga.

Sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan ciidamada keenista lacagtan ayaa ka dambeysay warqad ruqsad ah oo ka soo baxday ciidamada Soomaaliya maadaama lacagta ay tahay mid loogu talogalay ciidamo ku sugan magaalada Muqdisho iyo magaalooyin ku yaal dowlad goboleedka Puntland.

Lacagtan ayaa la sheegay inay tahay mid loogu talogalay mushaar iyo saad inay ka dhigtaan ciidamo ay tababartay dowlada Imaaraadka Carabta. Gelinkii dambe ee maanta ayaa waxaa soo baxayay warar kala duwan oo ku saabsan halka lacagta ay ku socoto.

Hase ahaatee illaa hadda ma jiro war rasmi ah oo ay dowladda Federalka ka soo saartay lacagtan maanta laga soo dejiyay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.

Diblumaasiyiinta Imaaraadka Carabta ayaa sheegay inay u haystaan xasaanad in la baari karin boorsooyinkooda balse wadahadal kadib ayay oggolaadeen in lacagta lagu xareeyo Bangiga dhex ee Soomaaliya.

Diyaaradii keentay lacagta oomarkii hore loo diiday inay ka duusho garoonka Aadan Cadde ayaa maqribnimadii loo oggolaaday inay u duusho wadanka Isutagga Imaaraadka Carabta.

No automatic alt text available.

Embedded

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*