18th April 2024  admin  Category :

Maakhir oo khatartii Alshabaab ay ugu soo biirtay khatar kale oo ah  bililiqo la bililiqaysanyo  degaanka

Laga soo bilaabo Laasa surad ilaa duleedla Laag ee gobolka Bari oo ay degto beesha Warsangeli, maanta waxa ka socda bililiqo degaan oo lagaga soo duulay galbeedka gobolka Sanaag iyo ganacsato fadhida  koonfurta Soomaaliya oo soo dirsaday  shaqaale. Magaalada Yube ee ee gobolka Sanaag,  hadda waxa ku sugan gawaari boqolaal gaaraya oo ka yimid gobolada waqooyi galbeed, Awdal iyo Togdheer oo u socda inay Dahab iyo  Xiji  ka billiqaystaan degaanada Maakhir.

Xijigii Buurha Cal madow ee  awoowe ilaa ka  awoowe la kala  dhaxli jiray, maanta waxa jira niman ka soo jeeda Beesha Isaaq oo ku gabanaya magaca Somaliland oo doonaya inay ka iibsadaan dadkii horay u  lahaan jiray  geedaha Xijiga   iyaga oo u sheegaya Mulkiilayaasha Xijiga  lacago badan oo ay Dhirtooda kaga iibsanayaan

Image result for geedka xijiga

Waxa kale oo jiray ciidan tiro badan oo ka soo jeeda Beelaha Isaaq iyo Gudabiisay oo ku hubaysan wax la yiraahdo ” Saacad” ee  lagu baaro macdanta dhulka hoosteeda ku jirta. Nimanka macdanta Buuraha Maakhir  doonaya inay bililiqaystaan  waxa ilaaliya inta ay howshooda bililiqada  gudanayaan  maleeshiyaad ka soo jeeda Beesha Maakhir oo ka mushahaar qaata maamulka SNM oo ay madax ka yihiin qaar ka mid beesha Reer Maakhir.

Nimankan  ku hubaysan  Saacadaha  ay ku baaranayaan buuraha Maakhir , waxay ku magcaaban yihiin  shaqaalaha maamulka Somaliland   inta ay howshan sharci darada ah ku jiraan oo ay ku sugan yihiin gobolka Sanaag . waxaana la og qaar ka mid ah Isimada oo dantii degaanka ka doortay Doolar. Alshabaabkii horay buurta ugu jiray, nimankan macdanta guranaya, Isimada gobolku intuba waa wada shaqeeyaan, waxaana laga wada xukumaa Hargaysa, Waana sababta ilaa hadda nimnakan saacadaha wata iyo alshabaab ay u wada joogaan ama ku wada sugan yihiin  qaybo ka mid ah gobolka Sanaag

Image may contain: 1 person, standing, car and outdoor

Gebagebadii degaanka Maakhir maanta khatar ayuu ku sugan yahay, buurihii Calmadow waxa xoog ku haysta alshabaab ay Somaliland kaalmayso , dhulkii waxa dul haadaya Camera Drones oo dhulka lagu sahansanayo oo ay Somaliland taageerto,   Isimaddii waxay la jiraan oo ay u shaqaynayaan Somalilandta duulaanka ku ah Maakhir. Sawirka hoose Waa suldaankii Warsangeli oo Badhan ku cusumay ninka ka m’asuulka ah shaqaalaha macdanta ka qodanaya Maakhir. Wuxuu ka soo jeeda Beesha Gudabiirsay, waxaana lagu magcaabaa Sharmaarke Geele. Maamulka SNM, wuxuu ugu magcaaban yahay Gudoomiyaha Hayada Shaqaalaha. Suldaanku horay ayuu Muuse Biixi ugu casumay Badhan isaga oo aan kala tashan beel weynta Warsangeli, maata Wiilka ka soo jeeda Baki oo dahabka raadinaya ayuu ku casumay Badhan, Berito yaa la casumi doonaa xageese lagu casumi doona? . Inta aan la gaarin casumaadda danbe dadka reer Maakhir waa in degaankooda ka difaacdaan alshbaabka iyo bililiqada KHEYRADKOODA

http://ceelgardinews.com/suldaanka-guud-ee-deegaanka-badhan-oo-qado-sharaf-sooryan-ah-ku-maamuusay-guddoomiyaha-haayadda-shaqaalaha/

 

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*