26th July 2024  admin  Category :

Farmaajo oo beelaha Majeerteen iyo Dhulbahante u magcabaya Safiir iyo Taliye. Beesha Majeerteen ayaa sida la sheegay loo magcaabayaa Taliyaha Ciidanka, halka beesha Dhulbahante loo magcaabayo Safiirka Sacuudiga

Madaxweyne Farmaajo ayaa sida la sheegay dhowaan xil ka qaadis ku samaynayo Taliyaasha Ciidamada Booliiska iyo Militariga, si loo dardar geliyo Sugidda Amniga iyo Hawlgallada ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda Gobollada Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Gen Cabdi Xassan Maxamed Xijaar, oo haatan ah Taliyaha Ciidanka Booliiska ayaa wararku sheegayaan in loo wado Safiirka Soomaaliya u fadhiya waddanka Sacuudiya Carabiya, halka Gen Odowaa aan weli la xaqiijin meesha loo magacaabi doono

Xogtu waxay intaas ku daraysaa, in Sarreeye Guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir oo haatan ah Taliyaha Ciidanka Dhulka isna la filayo in loo magacaabo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, balse xogtu ma xusin cidda loo wado Taliyaha Ciidanka Booliiska.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*