
7th August 2026 admin Category :
Allah ha u wada naxariistee Abti Mursal Warsame iyo Cabdi casiis Maxamed ayaa ku geeriyooday dalka Itoobiya
Bahda Allsanaag waxay tacsi tiiraanyo leh u kala dirayaan Qoysaskii, ehelkii iyo asxaabtii ay ka kala geeriyoodeen Allah ha u wada naxariistee Mursal Warsame Xagar oo ku geeriyooday magaalada Jigjiga ee dalka Itoobiya iyo Cabdi casiis Maxamed Cabdi Aar oo ku geeriyooday magaaladda Addis Abab ee xarunta dalka Itoobiya
Waxaan Allah uga baryaynaa inuu janadii Fardowsa ahayd ka waraabiyo, Kitaaabtoodana midigta ka siiyo, dhammaan qoyskii iyo eheladii ay ka baxeena uu Samir iyo iimaan waafi ah inuu Allah ka siiyo, Aammiin, Aammiin.








