19th January 2026  admin  Category :

Maamulka ay ku midaysan yihiin beelaha Dhulbahante iyo Fiqi shin ayaa dib u doortay hogaamiyahoodii horay xilka u hayey.

Hogaamiyihii hore ee maamulka Khaatumo Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye), ayaa mar labaad ku guulaystay hogaanka maamulka Khaatumo, isaga oo helay 62 cod.

Sida uu horay u sheegay Garaadka beesha Jaamac Siyaad, Garaad Jaamc, ee ahayd “inay Warsangeli kooramka ku buuxsanayaan” ayuu ka helay qaar ka mid ah beeshaas, oo waxa halka codayntu ka socotay ku sugnaa koox Warsangeli ah oo kooramka u buuxinaysay maamulka Khaatumo si loogu ekaysiiyo maamul dhamaystiran.

Beesha Warsangeli oo uu hogaaminay Suldaankoodu , Suldaan Siciid, horay ayeey u sheegeen inaanay waxba kala socon, lala tashan waxna ka ogayn maamulka uu madaxweyne Xasan Culusoow ku doonayo inuu Soomaaliya u kala qaybiyo Waqooyi iyo Koonfur, oo magaalada Laag raacayso Koonfur, halka Laasqorayna ay waqooyi noqonayso.

Ugu danbayn sida ay sheegeen waxgaradka beesha Warsangeli waxay rajeenayaan in lagu ixtiraamo rabitaankooda iyo madaxbanaanida danahooda u gaark ah oo maamulka Khaatumo ku koobnaado beelihii wada dhistay ee Fiqi shii Hawiye iyo Dhulbahante

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*