
18th August 2026 admin Category :
Soomaaliya: ‘Booqashadii wafdiga Imaaraatka xiriir lama lahayn mid kale’
Ka dib booqashooyin isku xigay oo ay wufuud ka kala socotay dalalka Suudaan iyo Imaaradku ay ku tageen magaalaada Muqdisho halkaas oo ay kula kulmeen Madaxweynaha Soomaliya ayaa waxa ay baraha bulshada qaarkood lagu daabacay warar kala duwan oo la xiriira booqashooyinkaas kuwaa oo sheegay in ay ku saleeynayaan khilaafka ka dhaxeeyo Suudaan iyo Imaaraadka ee ku aadan dagaalka Sokeeye ee ka soconaya dalka Suudaan.
Haddaba dowladda Soomaaliya ayaa beenisay in socdaalka wafdiga Imaaraadka uusan xiriir la lahayn socdaalka kale wafdiga kale.
Wakaallada wararka SONNA oo ah mi dku hadasha afka dowladda Soomaaliya ayaa wararka lagu baahiyay baraha bulshada ku tilmaantay kuwa been abuur ah.
Warka ay baahisay SONNA ayaa lagu yiri: “Saacadihii u dambeeyay waxa baraha bulshada lagu faafiyay warar been abuur ah, kuwaasoo si qaldan socdaalkan ula xiriirinaya imaatinka wafdi kale oo caalami ah”.
Dowladda ayaa ku adkaysaneysa in uusan jirin wax xiriir ah oo ka dhaxeeya labada booqasho ee wufuudda ka kala socotay Suudaan iyo Imaaraadka.







