27th March 2024  admin  Category :

ALLSANAAG, Waa sii saadaaliyey  in Soomaaliya ay tahay Tiyaatar aan aan iridiisa la ilaalineyn

Maqaal  hor maalintii Xasan Culusoow loo doortay madaxweynaha Soomaaliya

{Allsanaag} Soomaaliya waa tiyaatar aan iridiisa la ilaalineyn oo dal kastii riwaayaduu rabo ku dhex jilo, waa maqaaxi adduunka u furan oo khamaar diblamaasiyeed ay ku cayaaraan ciday rabaan, waa dhul aan cidi ilaashan oo ciidan kastii galo oo meeshuu rabo ka tago iyagoo, hadday rabaan, Soomaalida sida xoolaha u laynaya, waa suuq aan nidaam lahayn oo fawdo ah oo duul kasta oo raba iney cid dhiig miirtaan, si ay lacag uga sameeyaan, u soo shaqa tagaan.

Cid kasta oo sheegata iney shayaadiinta (Shabaab) la dagaalameyso dalka ha soo galeen oo siday doonaan ha ka yeeleen. Sidaa hadal la macne ah waxa qoraalka hoose ku sheegay Diplomaasi Jamaal, oo ka mida shaqaalaha Soomaalida u jooga Qaramada Midoobay. Wuxu yidhi cid kasta oo tiraahda shabaab baan la dagaalameynaa dalka Soomaaliya waa soo geli karaan, siday doonaana waa ka yeeli karaan, haddii aaney xitaa sharciga caalamiga iyo kan dalka ilaalineyn.

EJ Hogendoorn, oo ka tirsan International Crisis Group, wuxu ku sheegay qoraalkan in tirada ciidamada Itoobiyaanka ee Soomaaliya ku jira aan la aqoon laakiin ay KUMANAAN gaadhayaan[hoos arag]

Dawlada Soomaaliya ee cusub caqabado AAD IYO AAD U WAAWEYN baa horyaala, oo sidaa Jamaal u hadlay si ka duwan waa ku adkaan doontaa in ay u hadlaan. Haddana waa og yihiin in aan weligeed dawlad SOOMAALIYEED dhalan doonin inta Itoobiya iyo Kiiniya ay arrimaha Soomaaliyeed faraha kula jiraan. Waa ogyihiin iney 20 sano IGAD, shirar beena iyo woorloodha isticmaalayeen oo maantana shayaadiin iyo tabo kale adeegsanayaan, iyagoo AMISOM ku hoos dhuumanaya.

Xilligan xaalada cakiran ee Soomaaliya ku jirto qofka eegaa markuu arko sida labadaa dal ay Soomaaliya uga dhigteen xero geel aay ciyaartay rabaan ka hor tuntaan, wuxu qiyaasi karaa in Soomaaliya nabad dhab ahi ka dheertahay.

AMISOM lama dafiri karo doorka ay ka ciyaartay in Xamar laga saaro Shayaadiinta waxa ku shaqeysta aan la garaneyn oo gardaradii Itoobiya dalka ku soo gashay ka dhex sameysmay. Laakiin maxay kuugu taalaa, Shabaab haddii laga saaray Xamar, dilalka shiishyahanada tababar iyo qaraxyada casriyeysan oo magaala madaxda lagu sameynayo waa sii badanayaa. Waa taa madaxda iyo shacabka Soomaalidu, iska daa xafiisyada iyo meelaha dawladee inay tageene, masaajideeda laga waaliyey. Yaa waxa wada!!!!!

AMISOM ilaa iyo hadda waxa la odhan karaa kama madaxbanaana siyaasadii Soomaali duminta ee Itoobiya iyo Kiiniya, oo IGAD adeegsanaysa, fulin jireen. AMISOM ilaa iyo hadda waxay shaabahdaa IGAD oo direys militari xidhatay.  Waa taa ITOOBIYA u ogaalatay oo sahashay iney Soomaaliya siday doonto ka yeesho, halka ay gardaradii KIINIYA ciidankeedu dalka ku soo galeen ku abaal marisay iney AMISOM ku biiraan.

AMISOM(AKA IGADSOM) haddii aanay dalka joogteen, Soomaalidu xadgudubka iyo gardarada ciidanka ITOOBIYA ciidooda ku joogaan waa ka dagaalami lahaayeen, sidii caadada u ahaan jirtay. SOOMAALIYA oo woorloodha qasayaan ITOOBIYA IYO KIINIYA siday hadda ka sameynayaan kama sameyn jirin. AMISOM ayaa SOOMAALI itoobiya u kaday. THANKS TO AMISOM!!!

IGAD iyo UNtu dawlada ay sameeyaan waxay ku dedaali doonaan iney ahaato jiir qafis ugu jira laba bisadood oo Itoobiya iyo Kiiniya metela. Labadaa bisadood, sida hadda AMISOM wado, jiirkaa dawlada Soomaaliyeed la midka ahi, qafiska Soomaaliya ahna la geliyey, ayey hadba dhinac ka soo galayaan oo jarjarayaan. Aakhirka goolkoodu waa iney waslad waslad u wada cunaan. Cunidaasi tabo iyo xeelado siyaasadeed baa lagu fulin doonaa oo ku saleysan doqoni ma garatay, dublamaasiyad munaaqadeysan iyo madax salaax lugooya ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*