26th April 2024  admin  Category :

Soomaaliya iyo hay’adaha gargaarka oo dalbaday $2.6 bilyan oo gargaar ah

Dawladda Soomaaliya iyo hay’adaha caalamiga ah ee ka shaqeeya gargaarka bani’aadannimo ayaa maanta ku dhowaaqay inay u baahan yihiin adduun dhan 2 bilyan iyo 600 milyan oo dollar oo wax lagagaga qabto xaaladda bani’aadannimo ee Soomaaliya sannadkan 2023-ka.

Hay’adaha ayaa sheegay in dhaqaalahan lagu gargaari doono dad dhan 7 milyan iyo 600 kun oo qof oo ku sugan Soomaaliya.

Waxay sheegeen hay’adaha gargaarku in dad dhan 8 milyan iyo 250 kun oo qof oo Soomaali ah oo u dhiganta ku dhowaad kala bar dadka Soomaalida ay u baahan yihiin gurmad degdeg ah oo naf badbaadin ah, waxayna ka digeen in macluul ay suurtogal tahay.

Haddaba baaqan ayaa Haaruun Macruuf uu ka waraystay Reena Ghelani oo ah Xiriiriyaha Ka-Hortagga Macluusha ee Qaramada Midoobay oo tododbaadkan booqatay Soomaaliya. Xilliga uu waraysanayey waxay ku sugnayd Muqdisho. Ugu horrayna waxa uu weydiiyey booqashadeeda Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*