18th April 2024  admin  Category :

Burburka Soomaaliya iyo dagaalka aan dhamaadka lahayn ee ka socda gudaha  Soomaaliya dhowr iyo labaatanka sanadood, waxa u sabab  ahaa markuu bilowday iyo  maantaba   waa  Qabyaalad iyo hogaamiye si indho la’aan ah loo dabo galo, isaga oo lagu raacayo qabiilka la wada yahay .

Bulshada reer Maakhir, iyagu  Soomaali intooda kale way kaga duwanaayen arintan.

Tusaale fiican waxaan u soo qaadan karnaa:

Maamulkii sadexaad ee Soomaaliya laga sameeyey, marka laga yimaado maamulada Hargaysa, iyo Garoowe, waxa uu ahaa maamulkii Maakhir oo xaruntiisu ahayd magaalada Badhan ee gobolka Sanaag.

Maamulkan ayaa waxa hogaaminayey Jibriil Cali Salaad, oo ka mid ahaa  Saraakiishii hore ee Ciidamaddii xooga dalka Soomaaliyeed  , ahaana gudoomiyihii gobolka Sanaag ee ugu danbeeyey dawladdii kacaanka.  Jibriil,  waxa uu  ka soo jeedaa qoyska  Saldanada Maakhir  iyo sidoo kale magaalo madaxda Gobolka Sanaag , celcelis ahaan dadakii ugu badnaa ee qurbaha joogay maalintii uu   maamulka ku dhawaaqay waxay ka soo jeedeen beeshiisa . Jibriil Cali Salaad laguma Taageerin si indho la’aan ah iyo  sida maanta Cali Khaliif uu garaadkiisa oo ay  dadka  isugu xigaan  uu ugu  taageerayo in reer Khaaumo Hargaysa u guuraaan. Jibriil iyo Cali Khaliif labaduba waxay ka soo jeedaan Qoysaska haya Garaadnimada iyo Saldanada beelaha Dhulbahante iyo Warsangeli. Laakiinse  waxay ku kala duwan yihiin beesha Reer Garaad ee Warsangeli waxay ogyihiin ma’suuliyadda ka saaran dadka iyo degaanka,

Arintaas Jibriil Cali Salaad aan lagu taageerin bel ahaan,   waxay  xoojisay midnimada Maakhir  iyo in Bulshadu si nabad gelyo ah ay  ku wada noolaadaan, oo ay wada ilaashadaan dantooda guud ee ka wada dhaxaysa . Waana tani   keentay in  maamulka SNM mar walba uu  duulaan ku soo qaado Maakhir uu ku guul daraysto. Sababtuna waa midnimada Maakhir

Tusaalaha labaad, waa dhibka maanta ka jira Soomaaliya ee ah  argagixisnimada lagu taageero qabiilka,   sida hadalkii Daahir Aweys  uu horay u  sheegay ee ahaaa  “sida uu Kaluunku biyaha ugu nool yahay in iyaguna   ugu nool yihiin taageerada shacabka qabiilka ku taageera”

Maxamed Saciid Atom oo ka soo jeeday Makhir,  waqtiyada qaarkood wuxuu ka mid ahaa kooxdan sida Kaluunka ugu dul nool  shacabka . Laakiinse Bulshada  reer Maakhir  waa ka hor yimaadeen fikirkaas . Si indho la’aan ahna uma raacin Atom.Bulshdii i reer Maakhir ee u dhimatay diidmada fikirkan khaldan  ayaa waxay ka badnaayeen dadkii Atom ku raacay qabiilka.

Tusalaha sadexaad waa wada noolaashaha Bulshada iyo deriska wanaaga.

Sanadkan aynu ku jirno  Soomaaliya waxa ka dhacday abaar aad u xun, goboladdii ay aad u saamaysana  waxa ka mid ahaa Gobolada Sanaag iyo Awdal. Bulshada reer guuraaga ah ee  reer Maakhir markii ay noloshu ku adkaatay, waxay bilaabeen inay  guuraann. Galbeed waxay u  gaareen degaano hoos taga degmada  Burco ee gobolka Togdheer, Bari waxy hoos u dhaafeen Kobdhexaad, Ufayn iyo Bariga fog ee gobolka Bari . Koonfur waxay u gaareen baadiyaha  Garowe ee gobolka Nugaal , koonfur galbeedna  baadiyaha Laascaanood ee gobolka Sool iyo degaano ka mid ah Howdka. Intaas oo Gobol oo Bulshada reer Maakhir ay u hayaameen waxa lagu soo dhoweenayey gacmo furan iyo taariikh deris wanaag ah oo ay horay u wada  lahaayeen beelaha ay deriska ka yihiin afara jiho oo ay weheliso beesha Yamaneed ee ka xigta waqooyiga.

Reer Guuraaga afarta Jiho u hayaamay markii roobku da’ay si nabad gelyo ah oo maalmo iyo habeeno qaadatay ayeey ku soo laabteen. Baasaboor waxa u ahaa oo  Soohdimaha beelaha u dhaxeeya ay ku soo dhaafayeen  “Waxaan ka soo jeednaa beesha reer Maakhir’

Gebagebadii dhowaan Suldaanka beesha Maakhir waxa uu ku dhawaaqy in laysu  diiwaan geliyo SNM, Haddii qaranimada iyo midnimada Soomaaliya  laga horumarin lahaa QABIIL iyo aniga ayuu i xigaa Suldaanku  . Magaalooyinka Badhan, Hadaafimo, Xingalool, Carmale, Ceelbuh IWM waxa lagu arki lahaa safaf dhaadheer oo loogu jiro isdiiwaangelinta. Bulshada degmada Badhan degtaa ayaa  qabiil  iyo Qabyaalad waxay ka doorteen  Qaranamimo iyo midnimada  Soomaaliya . Taasina waa tusaale fiican oo Soomaali ineeda kale ay mudan tahay  inay  kaga  daydaan. Inta maalin walba ay u sabacabka ku  tumayaan danaysyte   Qarandiid ah oo Jaranjaro ka dhiganaya Bulshada  si uu xil ugu helo xil ama lacag

BY: Khaalid Uurcad

ALLSANAAG.COM

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*