26th July 2024  admin  Category :

Weerar Caawa fiidkii ka dhacay agagaarka Masjid Jaamaca Laascaanood ayaa lagu dilay Ganacsade, Maxamed Xirsi Yuusuf oo ahaa Madaxii Xisaabaadka Shirkadda Dahabshiil ee Gobolka Banaadir oo booqasho ku joogay Magaalada Laascaanood oo uu ka soo jeeday.

Waxa kale oo weerarkaasi ku dhaawacmay Ganacsade Siciid Cabdi Faandhe oo la sheegay inuu dhaawaciisu halis yahay.

Alla ha u naxariistee ganacsade Maxamed Xirsi Yuusuf ayaa toddobaadkii u dambeeyay ku sugnaa gudaha magaalada Laascaanood, isaga oo u joogay hawlo la xidhiidha soo xulista xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya uga mid noqonaya Gobolka Sool. Waxaa xusid mudan in horaantii sanadkan weerar kooxo hubaysan kusoo qaadeen isaga oo ku sugan Muqdisho uu ka soo gaadhay dhaawac dalka dibaddiisa loogu qaaday.

Siciid Cabdi Faandhe oo isna ka mid ahaa Ganacsatada reer Laascaanood ee Gaadiidka iyo Raashinka ka keena magaalada Boosaaso ayaa dhaawac halis ah uu ka soo gaadhay weerarkan caawa ka dhacay Laascaanood, xiligaas oo ay wada socdeen Marxuum Maxamed Xirsi Yuusuf.

Mudooyinkii u dambeeyay waxaa magaalada ku soo badanayay dilalka qorshaysan ee lagu bartilmaameedsanayo ganacsatada, oo qaarkood ay ku dhinteen weeraradan kuwo kalena ay kasoo gaadheen dhaawacyo halis ah, iyada oo aysan jirin cid sheegatay ama loo qabtay weeraradan isdaba joog ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*