26th July 2024  admin  Category :

Urur Soomaliyeed ee ka jira dalka Canada ayaa lagu yidhi ma tihiin Madow dhamaystiran

Jaamacadda California ee ugu tunka weyn aduunka, ayana hoos yimaadaan UCLA, UC Berkely, UC Irvine iyo UC Sandiago ayaa dhowaan sheegtay in Aduunku markuu abtirsado ay Soomaalidu yihiin midabka Cad ee Yuribiyaanku u badan yihiin

Hadda Hay’adan Soomaaliyeed oo ka diwaan gashan Kanada ayaa adeeg ama grants loo diiday, sababtoo ah waxa layidhii:1. Dadka aad u adeegtaan 2/3 mado (Blacks) ma aha.2. Shaqaihiinu 2/3 madow (Blacks) ma aha.

Hogaamiyaasha ururka Somalida ee Ottawa ayaa sheegay in xiriirkodii xumaaday Ha’yadda shaqada iyo arimaha horumarinta arimaha bulshada ee dalka Canada (Employment and Social Development Canada (ESDC)), ka dib markii ay codsi maalgelineed u dirsadeen wakaaladaas, ayn ugu soo jawaabeen inaany ahayn Qowmiyadda Madowga dhamaystiran oo inta badan Soomaalida Canada ay ku abtirsadaan

Maxamuud Xaaji Aadan, oo ka mid ah asaasayaasha Ururkan Soomaaliyeed ayaa sheegay ” in yaab iyo amankaag ku noqotay in warqaddii lagu sheegay in lagu diiday codsigooda lagu soo qoray inay hogaaminayaan Urur aan ahayn Madow dhamaystiran

Soomaalida qaarkood ayaa inta badan marka la weydiiyo jinsiyadooda waxay ku buuxshaan “in aanay madow ahayn.” Waxay inta badan doortaan “others” ama dad aan madow ahayn. Sida darteed in Soomaalida loo diwaan galiyey in ay “Cadaan yihiin.” Xiliyadan casriga ah waxa shaqsigu doorto ayuun baa loo diwaan galiyaa.

https://www.cbc.ca/news/canada/ottawa/somali-centre-family-services-ottawa-rejection-black-funding-1.5879506

https://allsanaag.com/soomaalidu-ma-caddaan-baa/

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*