28th March 2024  admin  Category :

Labadan arimood midna sharci ma ahayn markoodii horeba?

Afartii sano ee madaxweyne Farmaajo xilka hayey wax laga sugaayey inuu dhiso Ciidan Qaran. Ciidankaas oo ah mid isku dhaf ah lagana soo xulayey dhamaan gobolada iyo degmoyinka Soomaaliya.

Maanta oo maalmo uga harsan yihiin hogaankiI sharciga ahaa ee madaxweyne Farmaajo , ayaa waxa soo baxaysa labo arimood oo sharci daro ah oo dastuurka Soomaaliya ka horimanaya.

Arinta kowaad waa Waalidiin badan oo ku nool Koonfurta Soomaaliya oo warbaahinta ka hor sheegaya in in Caruurtoodii loo qaaday Ereteriya oo ay ka dhinteen dagaalkii Beelaha ee Itoobiyaanka dhexdooda ka dhacay dhowaan ee u dhaxeeyey beelaha Oromada iyo Tigreega.

Arintan Kaligii taliye, dadkiisii ku xasuuqay qaarna ku barakiciyey ciidanku dalku lahaa, oo qaramada midoobey ay ka qoreen warbixin 500 oo page oo ah xaquuqda Baniaadmka uu ku ku tuntay Isaias Afwerki, oo dalal badan oo ka mid ah bulshada caalamka ay cunaqabatayn ku saaren dalkaas human rights abuses , in Wiilal Soomaaliyeed dalka noocaas ah oo uu hogaaminayo kaligii taliyihu tababar loogu qaado si ay u soo bartaan sida loogu tunto xaquul insaanka, Soomaalida loogu caburiyo waa sharci daro, waana khiyaano Qaran.

https://www.theguardian.com/global-development/2015/jun/08/human-rights-abuses-eritrea-may-be-crimes-against-humanity-un-report

Arinta labaad ee sharci darada ah oo dawladda iyo Waalidku ay heshiiska ku yihiin, haddii ay markii hore isku haysteen “waalidka oo leh wiilashayaddii waa dhinteen iyo dawladda Farmaajo oo leh weli Ereteriya ayeey ku maqan yihiin ayaa waxa cad oo aan muran ku jirin oo dadkii aan horay u ogayn ay hadda ogaadeen ayaa waxay tahay in Caruurta tababrka dibadeed loo qaaday intooda badan inay ka soo wada jeedaan beelaha Hawiye.

Tuulada Gelinsoor ee gobolka Galguduud, waxay sheegeen inay ka maqan yihiin oo dibadda loogu qaaday Caruur gaaraysa 1000, oo ka soo wada jeeda Beesha Sacad ee Habargidir, Hawiye

Halka guud ahaan Gobolka Sanaag wiil ka soo jeeda uuna ka mid ahayn Wiilashan loo qaaday dalka dibaddiisa.

Ugu danbayntii waa khiyaano Qaran in Wiilal Soomaaliyeed tababr loogu diro nin xaaraan iyo kaligii talisnimo ku haysta dalkiisa sodon sano, sidoo kale in Beel Soomaaliyeed lagu soo hubeeyo ama loogu soo tababro inay ku gacan sareeyaan dagaalka sokeeye ee beelaha Soomaaliyeed ka dhex socda waa sharci daro, waana in Guddii ama khuburo Soomaaliyeed arintan loo saaraa, dadkii ka danbeeyana maxkamad loo soo saaraan denbiyadan ay galeen

Allsanaag.com

One thought on “KHIYAANO QARAN

  1. Jirac

    Waxaa in la fahmo u baahan waxaa weeye farmaajo iyo kooxda ku xeeran Deep down waxaa kuu soo baxaysa “khayre xinkiisa qabaliga ah ee uu ka dhigayey dowlada Somalia inay tahay laga bilaabo koonfurta galkacyo” waxaas oo qorsheyaal ah waxaa waday KHAYRE not farmajo. Farmaajo wuxuu toosay oo arkay maalintuu khayre dhahay DOORASHADU waqtigeeday ku dhacaysaa kursi jeceyl iyo inuusan waayin in loo heeso. Hadana walaalihii GALGADUUD baa ka awoodbatay dhanka jubaland ee Gobalka Gedo 18 days baa u Hartay clock is ticking ogow hade Reer Mogadishu oo iyakuna raba mid kaloo la soo istaaga thuma walaahi ama ku wardin UNIKAA leh waa sugayaan. Khayrihii waxaas oo khiyaamo qaran ah wax ka sameeyey xilkuu kula tarmayaa isna waxna laga weydiinmaayo. Anigu Farmajo difaaci maayo lakiin waa waajib in khayre iyo kan hada jooga ROOBLE wax laga weydiiyo iyaka ayaa danbile yaal ah Farmajo oo la hayste ah iyaka ayaa oga siibtay. Somali baynu nahay waana u wada jeednaa reality ga HAG inuu u afduubnaa ma cidbaa shaki oga jidhay ama laheyste u ahaa waxma fahme dadkiisa loo adeegsaday, fulay, maalintaan arkay harassment ga video ay ka duubeen isagoo English practice gareynaya ayaan dareemay inuu la hayste yahay dadkiisana loo adeegsan doono sidii bayna noqotay hatago dadka kale waynu naqaan saynu iskaga difaacno afgarooca. Ciidan qaran loo dhisayo oo hal qabiila laga uruurinayo waligay ma maqal. Mar waxaan is dhahay beelaha Hawiye iyo Isaaq ayaa propoganda ku furaya oo buun buuniniya laakiin waxaas oo dambi ah waxaa sameeyey KHAYRE miskiin Farmajo dadkiisa loo adeegsadayna xilkaa looga tuuranayaa ileen isagaa shaqadiisa qabsan waayey hadal waxaynu ka sugeynaa Xaaskiisa inay noo sheegto ina adeerkeed suu dadka madaxa is kugu gelshay xilka Odageedana uu ku rabo waxaan sugnaa waa First Lady lakiin wali chance buu leeyahay inuu wax ku saxo oo uu garbihiisa eego maanta hehe.

    Reply

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*