26th July 2024  admin  Category :

Dirta waqooyi oo wada qaybsanaysa kuraastii Aqalka sare ee waqooyiga Soomaaliya

Kuraastii Aqalka sare ee waqooyi  Soomaaliya ee ka wada dhaxaysay beelaha dega Waqooyiga Soomaaliya,  ayaa hadda xeradda Xalane ee magaada Muqdisho waxa ku wada qaybsanaya beelaha Dirta waqooyi, Xildhibaanada Aqalka sare ee waqooyiga Soomaaliya ayaa siyaasiyiinta beesha Isaaq ee ku sugan magaalada  Muqdisho waxay in badan ku doodayeen in beesha Daarood ayna degin waqooyiga Soomaaliya. sidaas awgeed ayna qayb ka heli karin kuraasta aqalka sare ee waqooyiga Soomaaliya. Arintan  ayaa waxa ku taageeraya qaar ka mid ah  siyaasiyiinta Koonfurta Soomaaliya, Wareegtaddi aan sharciga ahayn ee Odayga Raxanweyn ee Jawaari ee dhowaan xildhibaanimadiisa  soo helay ayaa dhiiri gelisay in si cad ay Siyaasiyiinta  beesha Isaaq iyo Xulafadoodu ay maanta ku xeraysan yihiin  xerada Xalane oo ay wax ku wada qaybsanayaan iyaga ayna madashaas ayn joogin dada metalaya Gobolada Sool, Sanaag iyo degmada Buuhoodle

Maamulka Puntland ayaa iyagu si cad hor uga hor yimid qorshahan Dirta waqooyi,  oo ay beesha Isaaq hor boodayaan,   oo ay ku  doonayaan inay ku dhacaan Xildhibaanaddi Aqalka sare ee gobolada Siool, Sanaag iyo  degmada Buuhioodle. Maamulka Khaatumo Guddii ay ku xalaaleenayaan in SNM xalaal tahay ayeey iska dhex saareen. Si ay wada hadal ula galaan kooxdan SNM oo  aan jiritaankooda doonayn.

Guud i ahaan bulshaada Gobolka Sanaag ayaa ku taageersan mowqifka maamulka  Puntland ay ku diidan yihiin In Isaaq oo qura ay  wada  qaataan xildhibanada waqooyiga Soomaaliya

Dawlada Puntland ayaa waxay Qaadacday in wax laga bedelo go’aankii Madasha ee quseeyey Doorashada Xubnaha labada Aqal ee Somaliland, isagoo uu dhawaan qoraal Shrcoi daro ah uu soo saaray Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka JFS.

maxresdefault

Dawlada Puntland ayaa waxay ku hanjabtay inay Qaadacayso siday u dhan tahay Doorashada iminka ka socota Soomaaliya.

Akhriso Warsaxaafadeedka kasoo baxay Dawlada Puntland

232-5b2

232-5b3

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*