28th March 2024  admin  Category :

Dowladda Soomaaliya oo ka hortimid nidaamka gaarka ah ee Beesha Caalamka deeqaha ku siin jirtay

Dowladda Soomaaliya ayaa ka hortimid in la sii wado nidaamka gaarka ah ee Beesha Caalamka kula macaamili jirtay Somaliland ee deeqaha lagu siin jiray.

Nidaamkan oo loogu magac daray (Special Arrangement) ayaa la bilaabay sanadkii 2013, xilligaasoo lagu saxiixay shirkii New Deal-ka ee ka dhacay magaalada Brussels.

Qoraal ka soo baxay Wasiirka Qorsheynta iyo Xiriirka caalamiga Jamaal Xasan Maxamed ayaa lagu sheegay in dowladda Federaalka aysan cusbooneysin karin nidaamka gaarka ah ee Beesha Caalamka ku taageeri jiray Somaliland.

Beesha Caalamka ayaa Dowladda Federaalka ah ka dalbatay dib u cusbooneysiinta nidaamka gaar ahaan qeybta quseeya Somaliland, kaasoo mashaariicda horumarineed ee beesha caalamka ka fulineyso Soomaalia qeyb gaara looga qoondeeyo Somaliland.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in dowladda Federaalka ay soo dhoweyneyso hab kasta oo lagu garab istaagayo maamulada dalka ka jira, balse nidaamka gaarka ah uu keenayo in maamulo kale ay dalbadaan, isla markaana ay halis gelineyso Qaranimada.

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*