26th July 2024  admin  Category :

Maleeshiyaadka SNM iyo reer Guuraa la socda Oo Weerar Ku Qaaday Boocame

Isgaarsiinta ayaa ka tagtay deegaanada gobalka Sool ee u dhaxeeya Soohdimaha ay isku horfadhiyaan ciidamada Puntland iyo Somaliland, saacad kahor iyadoo aysan jirin faahfaahin dheeraad ah.

Maleeshiyaad katirsan SNM ayaa fiidnimadii caawa iyo shalay galab waday dhaqdhaqaaq ciidan oo ay kusoo durkayaan xagga deegaanka God-Qaboobe ee ah Fariisinka ciidanka Puntland.

Warar ayaa sheegaya in ciidan kuhubeysan gaadiidka gaashaman ee Somaliland u ruqaansadeen xagga degmada Boocame oo ah degmada kaliya ee kamaqan gacanta SNM, kana tirsan gobalka Sool.

Wafdi kasocda Puntland ayaa maanta tagay Boocame.

Masuuliyiinta labada dhinacba ee ku kala sugan Garoowe iyo Gambara wey ka gaabsadeen arrimahan soo kordhay ee la xariira maqnaanshaha Isgaarsiinta.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*