28th March 2024  admin  Category :

Maxkamadda magaalada Boosaaso oo xukun dil ah ku ridey haweeney ilmo xaday

Maxkamadda derejada koowaad ee gobolka Bari ayaa maanta xukun dil ah ku xukuntay Ruqiyo Cabdiraxmaan Maxamed oo lagu helay in ay xadday ilmo sanad jir ah oo ku la sheegay inuu ku dhintay gurigeeda.

Guddoomiyaha maxkamadda derejada koowaad ee gobolka Bari Abuukar Cabdinuur Jaamac oo xukunka ku dhawaaqay ayaa sheegay in Ruqiyo ay qiratay dambiga lagu soo oogay oo ahayd in ay xaday gabar sanad jir ahayd taasi oo gurigeeda ku dhimatay.

Sidoo kale sayga qaba haweeneydaas la xukumay Ismaaciil Cali Nuur ayaa lagu xukumay saddex sano oo xarig ah.

Maxkamada ayaa u oggolaatay Haweeyneydan iyo seygeeda in ay racfaan ku qaadan karaan muddo soddon maalmood ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*