26th April 2024  admin  Category :

Beesha Habar yoonis iyo sida ay u doonayso inay Ceerigaabo u qaadato, Iyada oo adeegsanaysa Maamulka ay ku midaysan yihiin beelaha Isaaq  ee SNM iyo Telafishanada afkooda ku hadla

Magaalada Ceerigaabo ee xarunta Gobolka Sanaag, waxa ku sugan oo ka howl gasha  Hay’ad Caalami ah oo lagu magcaabo Norwegian Refugee Council NRC. Hay’adan ayaa quudisa oo oo wax badan u qabata danyarta magaalada Ceerigaabo ku nool. Waxaana  madax ka ah  hay’adan aqonyahan  ka soo jeeda Maakhir, oo lagu magcaabo A.I.M.Samatar

Markii ay arkeen siyaasiyiintii Isaaq oo horay u  aaminay inay Ceerigaabo gaar u leeyihiin oo ay dagaal ku qaateen, waxay bilaabeen in dacaayado raqiis ah  iyo been abuur ka sameeyaan Hay’addii iyaga oo marin habaabiyey  Dadkii danyarta ahaa ee Hay’addu kaalmayn jirtay. Qaarkood iyaga oo la khasbayo ayaa warbaahinta la hor fariisiyey oo la yiri ka been sheega Hay’adda. Qaarkood waxa lagu yiri ma waxa raali ka tihiin Hay’adda Faqashtu maamulayso . Siyaasiyiintan iyo wariyaashaaayaa arintan ku kacay ayaa waxay u badan yihiin Muuse Ismaaciil,Habar Yoonis,

Hadaba hoos ka dawo dadkii danyarta ahaa ee kala degenaa xaafadaha Dayacan iyo Xaafad Soomaal ee magaalada Ceerigaabo oo raali gelin ka bixiyey dhaqan xumaddi ay ula yimaadeen Dhalaanka SNM.

https://youtu.be/6UoCZWURrIc

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*