26th July 2024  admin  Category :

Haddii aabahaa koox  Diimeed ka dhisan Koonfurta Soomaaliya uu madax ka yahay waxay u badan tahay inaad la taliye u noqoto Madaxweynaha Soomaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo ad  shaqooyinkii wasiiraddu qaban lahaayeen aad adigu qabato.

Guddi ay ka mid yihiin Ra’iisul Wasaare kuxigeenka, La Taliyeyaasha Madaxweynaha ee dhinacyada Amniga iyo Siyaasada Xuseen Macalin iyo C/raxmaan Ceynte, ayaa kulamo la qaadanayay Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating, Wakiil ka socda Wasaaradda Arrimaha dibadda Britain iyo Wakiilada kale ee Beesha Caalamka.

Waxaa shirarkan lagu gaarayaa heshiis dowladda Federaalka iyo Saaxibada Beesha Caalamka, kaasoo ku saabsan in dowladda Federaalka ay qorsho mideysan la tagto shirka.

Arrimaha ay beesha caalamka ka heshiinayaan iyo dowladda federaalka ee ku jira qorshaha shirka London waxaa ka mida: Qorshaha Amniga, dib u habeynta dhaqaalaha iyo kaalmada abaaraha, waxa kaloo ku jira arrimaha siyaasadda ugu muhiimsan sida dib u eegista Dastuurka iyo gaarista doorasho qof iyo cod ah sanadka 2020.

Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya ayaa sheegay in shirkan uu muhiim u ahaa sidii qorshe loo mideysan yahay ay beesha Caalamka iyo dowladda Soomaaliya ula tagi lahaayeen shirka London.

Hadaba labada nin aan la dooran oo shirkan ka qayb galay yey ahaayeen

Cabdi Caynte waxa uu ka soo jeeda Beesha Hawiye, Murursade. Aabihiis waa Yuusuf Cali Cayne wuxuu ka mid ahaa golihii sare ee Maxaakiimta,  sanadkii  2007, aabihiis wuxuu ka mid ahaa  gudiiga dhexe ee golaha Fulinta (ARS), sanadkii 2009 wuxuu kaloo  ka mid ahaa  shantii Boqol  ee wada socday ee  inqilaabay dawladii  Cabdulaahi Yuusuf,  heshiiskii Jabuuti. Yuusuf Cali Caynte  wuxuu noqday Xildhibaan, hase ahaatee  xildhibaanadiisii  wuxuu waayey  markii saxiibkiis  Shekh Shraiif Axmed laga adkaaday dorashda .

Yuusuf Cali Caynte Maanta wuxuu hogaamiyaa urur xag jir ah (Majma Ulimadda Islaamka ee Soomaaliya), ka dib markii bishii sagaalaad ee sanadkii hore  uu dhintay hogaamiyihii hore ee ururkas  Allah ha u naxariistee Ahmed Abdi Diisow,
Cabdi caynte waxay qaraabo dhow  yihiin afhayeenka Alshabaab iyo xaaska madaxweynaha Soomaaliya.

Xuseen Macalin, isaga wuxuu ka soo jeedaa Beesha Hawiye, Habar Gidir, waxaana dhalay Gudoomiyihii hore ee Ahlu suna waljamaaca ee Koonfurta Soomaalia Macalin Maxamuud Sheikh Xasan. Walaalihiisna waxay xilka Xerta  ugu soo heleen Wasiirda arimaha gudaha Soomaaliya

 

 


 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*