26th July 2024  admin  Category :

Biyihii u horeeyey ee Gobolka Sanaag ka tagay oo gaaray Badweynta Hindiya .

Sawirka sare waa Biyihii ka tegay Gobolka Sanaag oo hadda maraya Ceel Daahir una  sii socda Badweynta Handiya 

Inta badan degaanda Soomaalidu degto waxa ka da’ay roobkii Gu’ga, meelo badan oo ka mid ahna waxa fadhiya Biyihii Roobku keenay maalmahan  . Biyahan qaarkood ayaa iyaga oo laga Faaiidaysan intooda badani waxay ku dhamaanayaan Badweynta Hindiya iyo Badda Cas

Sawirka Sheriff Youssef.

Gobolka Sanaag, wuxuu ka mid ahaa goboladii  Soomaaliya oo  ay  abaartu aad u saamaysay  Dad iyo Duunyoba. Sidoo kalena  Bulshada Gobolka Sanaag   waxay ahaayeen kuwo  Dal iyo dibadba u kacay inay Gurmad deg deg ah oo  aan loo kala harin sameeyaan gobolkaas .

Celelis ahaan qof kasta oo gobolkaas ka soo jeeda wuxuu bixiyey lacag gaaraysa $ 300,

$100 wuxuu ku bixiyey Gobolka Sanaag  guud ahaan, Boqolna degmadii uu ka soo jeeda , Boqolna Tuuladiisa.

Maanta Umadddi dhulkood iyo dadkooda jeclayd ee ka qayb qaadatay  gurmadkii Abaaraha, lacagtana ku bixiyey. Waa in ay wax ka bedelaan nolosha  Giraanta ah   ee maanta roob ayaa da’ay Berina Biyo la’aan ayaa jirta .

Tusaalahan sawirka hoose  wata waa arin dhab ah oo ka jirta Soomaaliya . Magaalada Buraan ee gobolka Sanaag waxa mara  mid ka mid ah Togoga ugu waaweyn gobolka Sanaag, Biyihiisu waxay ka yimaadaan Sool iyo Karkar, waxayna ku dhamaadaan Badweynta Hindiya.

Boqolaal sano dadkii degaankan degenaa Qorshayaal ayeey la yimaadeen si biyahan intii itaalkooda ah ayuga faaiidaystaan o u kaydsadaan , oo waxay samaysteen Kalo biyuhu ku hakadaan. Kalaha ugu caansan waa Kal Ilaalo oo daraawiishtu biyaha ku kaydsan jirteen  iyo Kal Geel oo u gaara Geela oo qura Xilliyada aroorka .

Sawirkan waa Maalmo ka hor sida Kal Geel ahayd iyo maanta siday tahay. Berina waxay ku laabanaysaa sidii ay shalay ahayd. Waa Giraanta la doonayo in wax laha bedelo.

Sawirka Samekaap Kaarshe.

Sawirka Samekaap Kaarshe.

Hadaba si giraantan guracan ee Roob ayaa da’ay iyo biyo la’aan ayaa jirta, oo saamaysay noloshii Umadda Soomaaliyeed looga baxo,  waa in biyaha iyo nimcadan Allah ina siiyey laga faa’iidaystaa. Haddii  biyo dhaamis dadka loogu gurmado aad ku Bixisay lacag badan. Soo maanta lama gaarin inaad lacag ku bixiso sidii looga faaiidaysan lahaa Kheyraadka Allah umaddisa siiyo oo bulshada Caalamka inteeda kale ka faaiidaystaan aan ka ahayn Soomaalida

Ugu danbayn maanta waa maalintii la bilaabi lahaa oo lacag lagu bixin lahaa sidii loo heli lahaa Biyo xireeno biyaha kaydiya oo lagu baxsado xilliyada abaarta. Jaaliyaddaha reer Maakhir, kuwooda   wax ugu qabadka badan sida kuwa  UK, USA, Kuweit iyo Denmark lacagtii ay biyo dhaamiska ugu deeqeen gobolka Sanaag sanadkan  mid la mid ah haddii sanadkan  la ururiyo waxa lagu dhisi karaa Afar biyo xireen oo umaddan maalina Burco tegaysa maalina Bargaal  u guuraysa la hakinayo iyaga oo ku nagaanaya  Dooxooyinka Gobolka Sanaag.

ALLSANAAG.COM KHAALID1970@HOTMAIL.COM

ALLSANAAG.COM

Waa sanadkii lixaad oo aan umadda Soomaaliyeed ka wacyi gelinayno inay ka faaiidaystaan Kheyraadka Allah ugu deeqay ee biyaha Roonka

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*