18th April 2024  admin  Category :

Siyaasiyiinta beesha  Hawiye, ma sheekaddii khuraafaadka ahayd ee Itoobiyaanku  horay  u sheegeen  miyeey doonayaan  inay caalamka run uga dhigaan oo ka dhaadhiciyaan ?

ka hor  doorashaddii Soomaaliya ee lagu doortay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed  Cabdulaahi Farmaajo, ayaa Urur isku sheegay inuu ka shaqeeyo arrimaha cilmi barista lana yiraahdo Xarunta Dhexe ee wada hadalka, cilmi barista iyo wada shaqaynta, loona soo gaabiyo (CDRC) xaruntiisuna tahay magaalada Addis Ababa  soo bandhigay warbixin ka kooban lix iyo toban bog oo uu kaga hadlayo arrimaha siyaasadda, doorashada, dhaqaalaha, amaanka iyo habka awood qaybsiga qabaa’ilka ee Soomaaliya.

Warbaxintan  oo inta badan Siyaasiyiinta beesha Hawiye ka heleen, qaarkoona ay ka soo shaqeeyeen in Soomaali loo soo bandhigo,  ayaa lagu sheegay in Shariif Xasan Sheekh Aadan uu ku khaldanaa inuu Madaxweyne u hanqal taago, taas bedelkeedna reerkiisu ay leeyihiin booska Jawaari loo doortay, halka qabiilka Hawiye ay ku sheegtay in haddii madaxtinimada la dhaafiyo ay Shabaab taageerayaan, Daroodkana ay ku tilmaantay inay booskooda Raysalwasaaraha haystaan xilligaan.

Maanta sida muuqata siyaasiyiinta  beesha Hawiye waxay xoojinayaan sheekaddii Itoobiyaanka ee ahayd in beesha  Daarood ayna Soomaaliya madaxweyne ka noqon karin. Sababtoo ah waxay ku heshiiyeen inay fashiliyaan madaxweyne Farmaajo iyaga oo ku soo xirtay Mooro ku taal magaalada Muqdisho.    Afarta jihona weerar kagasoo qaaday .

Maanta inaad aragto  madax ka soo wada jeeda beesha Hawiye, oo Soomaali ku metelaysa shirarka Caalamka, maaha mid iska timid waa mid laag soo shaqeeyey

Ugu danbayntii waxa ayaan daro ah,  in madaxda  maamulka Puntland ay maanta kala shaqeeyaan siyaasiyiinta beesha Hawiye oo ay ka mid yihiin Mahad Salaad, Cabdi qaybdiid, Jeesoow, Caynte IWM sidii ay u fashilin lahaayeen madaxweyne Farmaajo, oo mar kale iyagu  doonaya inay  Caalamka ka dhaadhiciyaan   in beesha Daarood oo aan caasimadda Muqdisho  degin ay  ku adag tahay in Soomaaliya madaxweyne ku noqdaan.

ALLSANAAG.COM

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*